Saraakiil ka tirsan DF iyo Ganacsato gaaray Bohol iyo Shaakir oo lagu wado inuu…

Bohol (Caasimada Onlie) – Waxaa deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud oo saldhig ay ka dhigteen Ciidamada Ahlu Sunna gaaray Taliyaha Ururka 6-aad ee Guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka General Aadan Abshir Nuure Laba-Afle oo wehliyaan ganacsato, Odoyaal iyo Xildhibaan Cali Dhoof.

Sida ay Caasimada Online ogaatay, ujeedka wafdiga ayaa ah xal u helida dagaaladii ka dhacay Guriceel iyo deegaanka Bohol ee gobolka Galgaduud ee u dhexeeyay ciidanka Ahlu Sunna iyo ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mid kamid ah xubnaha gaaray Bohol, oo la hadlay Caasimada Online, islamarkaana codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Sheekh Shaakir lagala hadli doono sidii xiisadda taagan loogu dhameyn lahaa wada-hadal maadaama uu sheegay inaan wax aan khasaaro aheyn laga dhaxlin dagaalkii ka dhacay Guriceel.

Wafdiga gaaray Bohol ayaa waxaa kamid ah Ganacsade Xaashi Carabeey, oo horay ugu guulaystay in uu joojiyo dagaalkii Guriceel laguna qanciyo Ahlu Sunna in ay magaaladda ka baxdo, waxaana la rajeenayaa in xiisadda lagu dhammeeyo wada-hadal iyo isfaham.

Sheekh Shaakir oo ka hadlay sababta ay uga bexeen Guriceel ayaa sheegay in ay magaaladda ugu bexeen codsi uga yimid Culimada, Ganacsatada, bulshada rayidka, Senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah ayna sugayaan in wada-hadal lagu dhameeyo dagaalka.

Ciidamadii Ahlu Sunna ee isaga baxay Guriceel ayaa saldhig weyn ka sameystay deeganka Bohol, waxayna xogta sheegeysaa in Ahlu Sunna ay waddo hub aruursi iyo diyaar garow dagaal ay mar kale la gasho ciidamada Galmudug.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa dhawaan ciidamadooda u qeybiyey mushaar gaarayo illaa 300 oo Dollar askari kasta, mana la ogo halka ay lacagtaas uga timid.