Wiil Soomaali oo caan ka ah YouTube oo hal maalin ku ururiyey hal milyan oo dollar

Kuwait (Caasimada Online) – Wiil Soomaali ah oo caan ka ah YouTube, islamarkaana degan dalka Kuwait, ayaa muddo hal maalin gudaheed ah wuxuu in ka badan hal milyan oo dollar ugu ururiyey qaxootiga ku barakacay dalalka Syria, Lebanon, Iraq iyo Jordan.

Wiilkan oo magaciisa saxda ah uu yahay Xasan Suleyman balse YouTube ku adeegsaday cinwaanka AboFlah ayaa ka mid ah dadka ugu caansan dunida Carabta, waxaana cinwaankiisa uu haystaa ku dhowaad 21 million oo followers. 

Waxa uu cinwaankiisa abuuray 2016, wuxuuna inta badan xoogga saaray inuu dib u eegis ku saameyo video games-ka. 

Waxaa la rumeysan yahay inuu yahay qofka ugu followers-ka badan YouTube ee Soomaali ah, iyo mid ka mid ah kuwa ugu taageerayaasha badan dunida Carabta.

Ololaha uu lacagta ku ururiyey ayaa waxa uu kala shaqeeyey hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR, wuxuuna 28 saac gudahood kusoo xareeyey $1 milyan. 

“Tani waxaa mahaddeeda oo dhan iska leh taageerayaasheeda, dhammaan waxaan idin kugu mahad-celinayaa si qalbi ah,” ayuu AboFlah oo 23 jir ah ku yiri wareysi uu siiyey AFP.

Waxa uu sheegay in tabarucaadda ay dhaaftay intii uu filayey. 

Xasan ayaa billaabay ololaha oo loogu magac daray “Diiriya Qalbiyadooda,” isaga oo u dabaal-degaya markii uu gaaray 20 milyan oo followers.

Malaayiin qof ayaa ku barakacay gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan Syria iyo Iraq. 

Qaxooti badna oo Suuriyaan ah ayaa hadda degan xerooyin ku yaalla dalalka Jordan iyo Lebanon, oo sidoo kale marti-geliya qaxooti Falastiiniyiin ah.

Lacagta uu ururiyey AboFlah ayaa waxaa lagu wadaa inay cunno, dhar iyo gaaska loo adeegsado in guryaha lagu kululeeyo xilliyada qaboobaha siiso 17,000 oo qof. 

Nasreen Rabieann oo ah wakiilka UNHCR ee Kuwait ayaa ammaantay hindisaha Xasan oo ku qeexday “ruuxda mas’uuliyad la wada wadaagay iyo is-garab qabad.”