Saraakiil ka tirsan NISA oo laga celiyay inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan kuwa ammaanka ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa toddobaadkaan safar gudaha iyo dibadda ah laga celiyay laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda nabad sugidda Soomaaliya. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in saraakiisha loo diiday inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho ay kala yihiin Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis oo ku wajahnaa gobalka Gedo, iyo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Wadna Qabad oo isagana safar u ahaa dalka dibadiisa. 

Wadna qabad ayaa la sheegay in uu ku dhoofayay baasaboor shisheeye oo ah dhalashadiisa 2-aad waxayna labada sarkaalba qeyb ka yihiin shaqsiyaadka ay dacwada ka gudbiyeen ehellada Ikraan Tahliil Faarax. 

Si rasmi ah looma oga safarkooda waxa uu salka ku haayo, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay baxsad ahaayeen maadaama ay wajahayaan eedo la xariira afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneed hay’adda NISA. 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in la baaro saraakiisha lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil, ilaa amar dambana aysan Muqdisho ka bixi karin. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u ballan-qaaday in cadaaladda la marin doono kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna diiday qorshe uu soo jeediyey madaxweyne Farmaajo oo ahaa in qoyska Ikraan diyo la siiyo, islamarkaana kiiska halkaas lagu xiro, oo aan la baarin.