Saraakiisha ciidankii ka soo goostay Axmed Madoobe oo kashiftay qorshe yaab leh

Raaskambooni (Caasimada Online) –Saraakiil iyo ciidamo kale oo ka tirsanaa Jubbaland ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo xog yaab leh ka bixiyey qorshe culus oo Axmed Madoobe dejiyey in lagu qabsado Raaskambooni, balse ay uga baxeen.

Saraakiil warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo sarkaal kale oo garabkiisa taagnaa lagu amray inay weerarka bilaabaan oo xerada ciidanka xoogga ee Raaskambooni ay qabsadaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Axmed Madoobe diyaariyey ciidan kale oo dhinaca kale ka soo weerara ciidan xoogga dalka markii laga saaro xerada Raaskambooni, balse wuxuu sheegay in markii ay soo amba-baxeen ay go’aansadeen in ciidanka xoogga dalka aysan la dagaalamin.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inay go’aan ku wadagaareen inay isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka, maadaama aysan habooneyn inay la dagaalamaan, sidoo kalena aysan ku laaba karin Kismaayo oo Axmed Madoobe aysan ka badbaadeyn.

“Waxaan go’aansanay in ciidanka walaalaheen ah aanaan weerarin, waxaan soo aadnay xagooda, waxaana kasoo dul dhacnay iyagoo aan naga war heyn, kadibna wax qori ah naguma soo taagin, xabadna naguma ridin ee sacab ayey nagu soo dhaweeyeen,” ayuu yiri sarkaalkaan hogagaminayey ciidankii ka goostay Axmed Madoobe.

Wuxuu intaas ku sii daray “waxaan iska dhignay qoryaha si naloo aamino waana isdhiibnay, kadibna waxay na dhaheen qoryihiin qaata, soona dhawaada, waxaad u timaadeen ciidankiinii, runtii aad ayaan u faraxnay, waxaana u riyaaqnay sida ay dowladda Soomaaliya noo soo dhaweysay.”

Saraakiishaan ayaa sheegay in xitaa ciidanka hadda la jooga Axmed Madoobe aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan dowladda, maadaama aysan ku qanacsaneyn hoggaaminta Axmed Madoobe.

Ciidamadii uu dhisayey 15-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa maalin kasta si fudud ku baneynaya garabka Axmed Madoobe, waxaana heysata xaalad hubanti la’aan ah, maadaama dowladda Soomaaliya ay ku qaaday duulaan xididada loogu siibayo.