Su’aalo xasaasi ah oo ka dhashay gogosha uu fidiyay Xasan iyo mugdi ku gadaaman

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan fidiyay gogol wadatashi qaran ah, taasoo ka dhasheen su’aallo badan oo mugdi gelinaya dhab ahaanshaha baaqan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu diriyay baaqa gogoshan wuxuu ka gaabsaday inuu si rasmi ah u caddeeyo cidda lagu casuumay, waqtiga uu shirkaasi qabsoomi doono, iyo qodobada si gaar ah looga doodi doono. Wuxuu si guud u tilmaamay in looga hadlayo dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowlad casri ah, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah ma uusan bixin.

Su’aallaha ka dhashay hadalka madaxweynaha

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa qaba in hadalka Madaxweynaha uu si dadban uga meermeeray qodob muhiim ah: casuumaadda mucaaradka. Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba in hadalkiisa ay ka maqnaayeen tilmaamo cad oo muujinaya in shirka lagu martiqaadayo mucaaradka, taasoo dhalisay su’aalo badan oo la xiriira jihada uu shirku u qaadan doono.

Haddii aysan jirin caddeyn rasmi ah oo ku saabsan cidda la casuumayo, waxaa laga yaabaa in gogoshaasi ay noqoto mid aan lahayn saamayn wax ku ool ah.

Tan ayaa loo fahmi karaa xeelad uu madaxweynaha iskaga yareynayo cadaadiska siyaasadeed ee saaran, kana imanaya gudaha iyo dibadda. Iyadoo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya laga soo xiganayo in aanay jirin go’aan cad oo lagu martiqaadayo dhinacyada mucaaradka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid si ula kac ah uga fogaaday martiqaad rasmi ah sababo dhowr ah awgood.

  1. Hubanti la’aanta ka-qaybgalka Jubaland iyo Puntland: Ma jiro hubin la xiriirta in Jubaland iyo Puntland ay ogolaan doonaan ka-qaybgalka shirka, maadaama xiriirkooda dowladda dhexe uu muddooyinkii dambe ahaa mid aan hagaagsanayn.
  2. Diiradda oo la saarayo dagaalka argagixisada: Madaxweynaha ayaa doonaya in shirka uu noqdo mid xoogga lagu saarayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, halkii uu u leexan lahaa dhinaca loolanka siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu doonayaa inuu waqti kasbado, si uu u abuuro fursad uu kula jaanqaado dhinacyada caalamiga ah ee taageera dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Isaga oo aan caddayn ajandaha shirka iyo cidda ka soo qaybgali doonta, wuxuu iska ilaalinayaa inuu si toos ah u hor yimaado mucaaradka, taasoo uga dhigan in uu sii xoojiyo gorgortanka siyaasadeed.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in shir qaran la qaban karo oo keliya haddii la helo dadaallo horudhac ah, sida kulammo farsamo oo dibadda ka dhaca, si loo dhiso ajandaha shirka.

Wada-hadaladaasi hordhaca ah ayaa fure u noqon kara xal u helidda kala fogaanshaha u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada sida Puntland iyo Jubaland.

Doodda doorashada mise dagaal: Maxaa miiska saaran?

Hadalka Madaxweynaha wuxuu muujinayaa in dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada uu u baahan yahay taageero ballaaran oo ka timaadda dhinacyada siyaasadda.

Waxaa muuqata in haddii shirka qaran la qabto, Madaxweyne Xasan Sheekh uu halis ugu jiro inuu lumiyo awoodda uu hadda u leeyahay hoggaaminta dagaalka, islamarkaana ay suuragal tahay in laga xaajoodo isbeddello siyaasadeed, oo ay ku jirto doorashada qof iyo codka ah.

Hadal-jeedinta Madaxweyne Xasan Sheekh waxay u muuqatay mid uu ku kasbaday kalsoonida qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyadoo isla markaana meesha ka saartay in beesha caalamka ay cadaadis kale ku saarto.

Waxaa sidoo kale suurtagal ah in hadalkiisa uu curyaamiyo abaabul ka dhan ah dowladda oo la sheegay in laga wado qaar ka mid ah caasimadaha reer Galbeedka.

Isku soo wada duubo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid xilligan doonaya in uu wakhti kasbado, halkii uu si toos ah ugu dhawaaqi lahaa shir qaran oo cad. Waxa uu diiradda saaraya sidii uu u heli lahaa taageero caalami ah oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo ka meermeeraya arrimaha siyaasadda gudaha.

Sida uu shirkan u qabsoomi doono iyo cidda lagu casuumayo ayaa wali ah su’aal taagan, taasoo laga yaabo inay go’aamiso jihada siyaasadeed ee dalka bilaha soo socda.