Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa ka ku dhawaaqay in tallaabo adag laga qaadi doono askar kasta oo ka baxda furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
Wuxuu si cad u sheegay in aan la aqbali doonin in askartu dib uga gurato jiidda hore ee dagaalka, isagoo xusay in ciqaab adag ay sugayso ciddii amarkan jebisa.
Taliye Mahad ayaa xusay in sharciga ciidanka uu si cad u qeexayo in askariga ka baxa safka dagaalka uu wajahayo ciqaab adag, taasoo noqon karta xabsi ama dil toogasho ah.
Wuxuu intaa ku daray in waalidka askarigaas lala xisaabtami doono, lagana jari doono wixii taageero dhaqaale ah ee dowladda ay siin jirtay qoyska.
“Askari ka carara dagaalka lama cafinayo, xabsiga ama dil toogasho ayaa sugaya. Xitaa waalidkiis lagala xisaabtami doonaa, waayo iyaga ayaa koriyay oo waxbaray,” ayuu yiri Taliye Mahad.
Dhanka kale, wuxuu caddeeyay in askarta si geesinimo leh uga qeyb qaadata dagaalka lagu abaalmarin doono. Wuxuu ballan-qaaday in geesiyaasha u dhabar-adeyga dagaalka lagu siin doono bilado sharafeed iyo gunooyin dhaqaale, si loo dhiirrigeliyo dadaalka lagu ciribtirayo argagixisada.
Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay dhammaan ciidamada in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka.