Arrinta keentay in Trump si weyn uga caroodo Putin kadib wada-hadal dhexmaray

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uu aad ugu carooday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka dib toddobaadyo uu isku dayay in uu ka xaajoodo xabbad joojinta Ukraine.

Wareysi uu siiyay NBC News, Trump wuxuu ku sheegay inuu aad uga xumaaday in Putin uu dhaawacay kalsoonida lagu qabo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, taasoo sii adkayn karta xalka siyaasadeed ee dagaalka.

Sidoo kale, wuxuu ku hanjabay in Mareykanka uu canshuur sare kusoo rogi doono waddamada weli iibsada shidaalka Ruushka haddii Putin uusan ogolaan xabbad-joojin.

Hadalladan waxay muujinayaan isbeddel weyn oo ku yimid mowqifkii Trump ee ku aaddanaa Putin, iyadoo hore loo tuhunsanaa inuu u janjeero dhinaca Moscow.

Cadaadiska Trump ee Ruushka iyo Ukraine

Lixdii toddobaad ee la soo dhaafay, Trump wuxuu si toos ah ugu eedeeyay Zelensky inuusan dooneyn tanaasul si dagaalka loo soo afjaro. Dhanka kale, wuxuu si xushmad leh ula hadlayay Putin, taasoo sare u qaaday tuhunka Yurub ee ku aaddan xiriirkooda.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkiisa cusub wuxuu muujinayaa mowqif ka duwan midkii hore, wuxuuna caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu cadaadis dhaqaale saaro Ruushka haddii aysan jirin isbeddel dhab ah oo lagu gaari karo nabad.

“Waxaad dhihi kartaa waan carooday markii Putin uu shaki geliyay kalsoonida Zelensky, sababtoo ah taasi ma aha wax sax ah,” ayuu yiri Trump intii lagu guda jiray wareysiga.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in haddii Ruushku qaadan waayo xabbad-joojin, Mareykanka uu si toos ah u beegsan doono dhaqaalihiisa.

“Waxaan canshuur dheeraad ah saari doonaa dhammaan shidaalka iyo badeecadaha kale ee Ruushka,” ayuu yiri, isagoo xusay in tallaabadan ay dhaqangal noqon doonto bil gudaheed haddii aan heshiis la gaarin.

Canshuuraha cusub waxay saameyn doontaa waddamada sida Shiinaha iyo Hindiya oo ah kuwa ugu badan ee shidaalka Ruushka iibsada, taasoo cadaadis dheeraad ah saari doonta Moscow.

Dhinaca kale, Zelensky ayaa sheegay in Putin uu wali raadinayo marmarsiiyo uu dagaalka u sii jiitamo.

“Ruushku wuxuu wali ciyaaraya isla xeeladdii uu isticmaalayay tan iyo 2014,” ayuu ku qoray baraha bulshada, isagoo ka digay in Mareykanka iyo Yurub aysan noqon kuwo jilicsan oo Ruushka u oggolaada inuu ku sii adkaysto dagaalka.

Trump ayaa la filayaa inuu Putin kala hadlo arrintan toddobaadkan, xilli dagaalka Ukraine uu sii dheeraanayo, khasaaruhuna uu sii kordhayo.