Maxa tahay fadeexadda Qatar-gate ee hareysay Israel?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Isniintii maanta si degdeg ah uga baxay maxkamadda dacwaddiisa musuq-maasuqa si uu uga markhaati furo baaritaan kale oo ku saabsan suurta-galnimada xiriirka ka dhexeeya la-taliyeyaashiisa iyo Qatar, sida ay ku warrantay warbaahinta dadweynaha Israa’iil ee KAN.

Booliska ayaa xaqiijiyay in laba qof oo looga shakisan yahay kiiskan, oo Israa’iil loogu magac daray “Qatar-gate,” la xiray Isniintii. Wax faah-faahin dheeraad ah lama bixinin sababo la xiriira xayiraad maxkamadeed oo saaran kiiskan.

Afhayeenka ra’iisul wasaaraha kama uusan jawaabin codsiga warbaahinta, halka ilo ku dhow Netanyahu ay xaqiijiyeen warbixinta. Warbaahinta KAN ayaa sheegtay in Netanyahu uusan ahayn eedaysane, balse uu ka markhaati furi doono xafiiskiisa ku yaalla Qudus.

Netanyahu, oo dacwado kale oo musuq-maasuq ah uga socdaan maxkamad, kuwaas oo uu si adag u beeniyay, ayaa ku tilmaamay eedeymaha la-taliyeyaashiisa iyo Qatar “war been abuur ah” iyo olole siyaasadeed oo isaga ka dhan ah.

Masuul ka tirsan dowladda Qatar ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymahaas, isagoo ku sifeeyay inay yihiin “olole sumcad dil ah” oo lagula kacayo Qatar.

Olole sumcad u dhisid Qatar ah

Sida ay baahiyeen warbaahinta KAN iyo wargeyska bidixda u janjeera ee Haaretz, la-taliyeyaasha Netanyahu ayaa lagu tuhunsan yahay inay abaabuleen ama qayb ka ahaayeen olole lagu hagaajinayo sumcadda Qatar ee caalamka. La-taliyeyaashu si buuxda ayay u beeniyeen eedeymahaas.

Isniintii hore, Netanyahu wuxuu magacaabay taliyaha cusub ee hay’adda sirdoonka gudaha ee Israa’iil si uu u beddelo taliyaha hadda xilka haya, kaas oo lagu muransanaa, maadaama uu gacanta ku hayo baaritaanka xiriirka Qatar.

Netanyahu wuxuu u magacaabay Eli Sharvit, oo horey u ahaa taliyaha ciidanka badda ee Israa’iil, si uu u beddelo madaxa Shin Bet, Ronen Bar, oo weli xilka haya ilaa laga gaarayo go’aanka maxkamadda sare ee la xiriira arrinta shaqo ka saarkiisa.

Go’aanka dowladda ee shaqo ka saarista Bar, oo xukumayay baaritaanka xiriirka Qatar iyo saddex la-taliye oo ka tirsan xafiiska Netanyahu, ayaa kiciyay mudaaharaadyo xooggan oo ka dhacay Tel Aviv iyo Qudus.

Netanyahu wuxuu sheegay inuu lumiyay kalsoonida uu ku qabay Bar kadib fashilkii amni ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023, taasoo sababtay maalintii ugu dhimashada badnayd Israa’iil iyo bilowgii dagaalka Gaza.

Maxkamadda Sare ayaa xayirtay shaqo ka eryidda Bar waxayna qorsheyneysaa inay go’aan ka gaarto dacwooyinka ka dhanka ah 8-da Abriil, balse waxay ogolaatay in Netanyahu sii wato wareysiga musharaxiinta beddelaya Bar inta laga gaarayo go’aanka.

Xubnaha mucaaradka, oo ay ka mid yihiin xildhibaanno iyo ururo u dooda xuquuqda madaniga ah, ayaa maxkamad geeyay go’aanka shaqo ka eryidda Bar, iyagoo ku dooday in waqtiga tallaabadan la qaaday uu cabsi gelinayo in la carqaladeeyo baaritaanka Shin Bet iyo booliska oo la bilaabay dabayaaqadii Febraayo, kaas oo lagu baadhayay xiriirka suurtagalka ah ee ka dhexeeya la-taliyeyaasha Netanyahu iyo Qatar.

Doorka Qatar ee wada-hadallada xabbad-joojinta

Qatar, oo aan Israa’iil u aqoonsanayn dal cadow ah, ayaa hoy u ah qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Xamaas. Sidoo kale, Qatar iyo Masar ayaa dhex-dhexaadin ka waday Israa’iil iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin ka hirgasha Gaza.

Bar, oo door muhiim ah ka qaatay wadaxaajoodkii xabbad-joojinta iyo sii deynta la-haystayaal bishii Janaayo, ayaa sheegay in shaqo ka saaristiisa ay leedahay dano is khilaafsan, taasoo waxyeellaynaysa baaritaanka Qatar.

Xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in baaritaanka, xarigga la sameeyay maalintaas, iyo isku dayga shaqo ka eryidda Bar ay yihiin qorshe lagu horjoogsanayo xil ka saarkiisa iyo isku day lagu doonayo in Netanyahu xafiiska laga saaro.

Shaqo ka eryidda Bar wuxay hurisay mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo Netanyahu iyo dowladdiisa oo la xiriira sida ay u maareeyeen dagaalka Gaza. Dibadbaxyadu waxay sii socdeen Isniinta maanta ah iyadoo kumannaan qof ay ka qayb galeen, kuwaas oo u arkayay xil ka qaadista Bar isku day lagu wiiqayo hay’adaha dowliga ah.

Mudaaharaadayaasha ayaa ku eedeeyay Netanyahu inuu dagaalka Gaza sii dheereynayo si uu uga faa’iideysto la-haystayaal weli ku jira Gaza, halka sidoo kale loo arkayay inuu isku dayayo inuu iska ilaaliyo baaritaannada ka socda Shin Bet iyo booliska.

Netanyahu wuxuu Axaddii sheegay in dib u bilowga dagaalka Gaza, oo burburiyay xabbad-joojintii laba bilood socotay, uu ahaa isku day lagu cadaadinayo Xamaas si ay u sii deyso 59 la-haystayaal ah oo weli lagu haysto gudaha Gaza.

Shaqo ka eryidda Bar iyo dibad-baxyada la socda ayaa la filayaa inay sii kordhiyaan cadaadiska siyaasadeed ee ka saaran Netanyahu, maadaama xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ay sii xoogaysanayaan.