Caynte oo ka digay in shirka uu ku baaqay Xasan Sheekh uu noqdo mid loogu heshiiyo….

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdiraxmaan Caynte ayaa soo dhoweeyey gogosha uu fidiyey madaxweyne Xasan Sheekh ee saamileyda siyaasadda dalka, balse waxa uu ku baaqay in laga baaqsado inay gogoshan noqoto mid loogu heshiinayo muwaadinka Soomaaliyeed.

“Madaxda labada heer dowladnimo waxaa la gudboon iney KU HESHIIYAAN hannaan doorasho oo ku qotoma caddaalad, sinnaan iyo hufnaan,” ayuu Caynte ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. 

Hoos ka aqriso qoraalka

Gogosha uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud fidiyey ee yoolkeedu yahay (a) xal u helidda hubanti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku galay sannadkii lasoo dhaafay, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka, iyo (b) u midoobidda halganka xaq u dirirka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, waa mid mudan soo dhaweyn iyo bogaadin. Waliba in madaxweynuhu baaqaas kusoo beego iyadoo ay muddada xilheyntiisa sannad ka hartay waa ifafaale togan.

Ha yeeshee, haddii aan laga waaban, oo aan casharro laga baran goglihii middan ka horreeyay ee 2021 iyo 2016, saameynta ay gogoshani yeelan doonto waxay noqon doontaa mid taban oo reebta mahadhooyin siyaasadeed oo bohol dheer kusii ridi doonta geeddi socodka dibu dhiska dalka ee rubuc qarniga jirsaday.

Labadii xilli doorasho ee lasoo dhaafay, koox loogu yeero “saamileyda siyaasadda” ayaa KA HESHIIYEY hubantii la’aanta siyaasadda, iyagoo KU HESHIIYEY hannaan doorasho oo ka arradan mabaadi’ida iyo akhlaaqda aasaasiga ah ee islaamnimada iyo Soomaalinnimada, KUNA HESHIIYEY iney si qayaxan u boobaan xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed u leeyahay inuu si caddaalad iyo hufnaan leh u doorto dadka ku matalaya golayaasha baarlamaanka.

Haddaba, iyadoo maanka lagu hayo sooyaalkaas foosha xun, waxaan ku baaqayaa in laga baaqsado iney gogoshan noqoto mid LOOGU HESHIINAAYO muwaadinka Soomaaliyeed. Madaxda labada heer dowladnimo waxaa la gudboon iney KU HESHIIYAAN hannaan doorasho oo ku qotoma caddaalad, sinnaan iyo hufnaan.

Haddii ay sidaas yeeli waayaan, waxaa hubaal ah ineysan gaari karin yoolka labaad ee ah iska caabbinta argagixisada Al-Shabaab. Duruufta, dareenka iyo jawiga ay ku sameysmaan, kuna bullaalaan fallaagada hubeysan dunida oo dhan, waxaa ugu horreeya caddaalad darrada, eexda, takoorka iyo boobka hantida la wada leeyahay. Intaas oo aafooyin ahna waa kuwa maanta caadi ka noqday dalkeenna, isla markaana ragaadiyey dowladnimadeenna. Caloolna wixii ay ku bukootay laguma daaweeyo.

Ugu dambeyn, haddii ay gogoshan soo saari weyso natiijo ay ku naalloodaan shacabka Soomaaliyeed, iskana noqoto mid ay “saamileyda siyaasadda” ku kala goostaan garabka iyo sararta, sidii looga bartay, falcelinta iyo mahadhooyinka ka dhasha waxaa shaki la’aan ka macaashi doona Khawaarijta Al-Shabaab iyo dalalka gobolka ee muddooyinkan dambe u malabsanaayay dhammeystirka dhaawaca ku yaalla qarankeenna.