Daawo: Guddoomiyaha Lambar 50 oo wax yaab leh uga sheekeynaya R/W Xamza

Lambar 50 (Caasimada Online) – Guddoomiyaha deegaanka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, Maxamed Maxamuud Abuukar, ayaa shalay si cajiib ah ugu warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo booqasho ku tegay deegaankaan, lana soo ciiday shacabka iyo ciidamada.

Guddoomiyaha oo ah nin dhalinyaro ah oo askari ah ayaa Ra’iisul Wasaaraha u warbixinayey muddo shan daqiiqo ah, wuxuuna ka sheekeeyey sida ay isaga difaacaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ay kala kulmeen shacabka iyo ciidamada ku nool deegaankaas Lambar 50.

Waxaa xusid mudan in Al-Shabaab ay qabsadeen deegaano muhiim ah oo Awdheegle, Sabiib iyo Caanoole ay ugu horeeyaan, balse Lambar 50 ay foodda geli waayeen, taas oo lagu amaanay shacabka iyo ciidamada deegaankaas oo isku duubni muujiya mar kasta.

Guddoomiyaha Lambar 50 ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay tirada ciidamada u diiwaan gashan deegaanka ee la dagaalama Al-Shabaab, wuxuu si qiiro leh uga sheekeeyey marxaladda cuno, mushaar iyo duruufaha caafimaad ee ciidanku ay ku nool yihiin.

Wuxuu sheegay inay aad u garanayaan Shabaab-ka dagaalkooda, “Ra’iisul Wasaare dadkaan reer Lambar 50, waxay iibsadeen xoolahoodii, waxayna ku soo gateen qoryo ay isaga difaacaan cadowga, qof kasta qori ayuu wataa, qeyb qeyb ayaan isku raacnaa waxaana duurka ka raadsanaa cadowga Khawaarijta ah, waan garaneynaa dagaalkooda, waana naga cabsadaan, meel aan ku arki karno ma imaadaan,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Lambar 50.

Wuxuu codsaday in ciidanka deegaanka loo qarameeyo oo Mushaar loo qoro, sidoo kale wuxuu codsaday in ayaga loo diro dhulka cadowgu joogo si ay u xoreeyaan, maadaama ay garanayaan dagaalkooda iyo kaartooyinka ay adeegsadaan.

Guddoomiya ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay deegaanada iyo degmooyinka kale ee ku xeeran ay u gurmadaan markii ay Shabaab soo weeraraan, “Ra’iisul wasaare askar badan ayaa nooga dhaawacantay dagaaladii ugu dambeeyey, Awdheegle seddax askari ayaa nooga dhaawacantay, rag Kalena waa nooga dhinteen, waxaan codsaneynaa in markii aan dagaal galno dhaawaceena diyaarad loo soo diro,” ayuu yiri.

Lambar 50, waxaa shalay loogu tegay dad u diyaarsan halgan dhab ah, madaxdii tagtay waxay u kuurgaleen mar xaladda dhabta ah, waxayna indhahooda ku soo arkeen odayaal, haween iyo dhalinyaro ay ka muuqdaan dhaawacyadii ka soo gaaray dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab, waxayna madaxda u cadeeyeen in hadii la taakuleeyo ay Shabeellaha Hoose oo dhan ka xorey karaan Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo madaxdii kale ee shalay la socotay ayaa iska dhexgalay ciidamadii deegaanka iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan Lambar 50, ciidamada ayaa heystay hubkooda, waxaana halkaas ka dhalatay hadal-heyn amni oo dadka qaar ay khatar ka muujinayeen, balse booqashadii shalay ee Lambar 50, waxay banaanka keentay halgan cajiib ah oo dadka deegaankaas ay ku jiraan.

Hoos ka daawo guddoomiyaha Lambar 50 oo u waramaya R/W Xamza.