29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Saraakiishii ugu badneyd oo maanta gaartay Baydhaba + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta gaaray saraakiishii ugu badneyd ee ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay garoonka Shaati Gaduud.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayo taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Maxamed Maxamuud, waxaana sidoo kale qayb ka ah taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cabdullahi Cismaan, guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil kale.

Sidoo kale, waxaa taliyeyaasha iyo wafdiga la socda Baydhaba kusoo dhaweeyay saraakiisha iyo mas’uuliyiina ku sugan magaaladaas oo ay Isniintii la wareegtay dowladda dhexe, kadib dagaal lagu qaaday maamulkii uu hoggaaminayay Lafta-gareen.

Waxaa qorshuhu yahay in madaxdan ay ku biiraan dhaq-dhaqaaqa ka socda magaaladaas oo la doonayo in maamul cusub loogu dhiso Koonfur Galbeed, iyada oo xalay ra’iisul wasaare Xamza hoggaamiye KMG ah u magacaabay maamulkaasi.

Shalay waxaa Baydhaba gaaray ciidamo horleh oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan ammaanka guud ee magaalada, maadaama  dhawaan la filayo inuu gaaro madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira u kuurgalidda xaaladda magaaladaasi, maadaama uu dhacay isbeddel wayn, uuna guuleystay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha uu la kulmi doono siyaasiinta garabkiisa ah ee kasoo jeedo deegaannada maamulkaas iyo qaybaha bulshada, isaga oo kala hadli doono marxaladda kala guurka ah ee maamulka iyo sidii looga shaqeyn lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Si kastaba, Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana Baydhaba  si buuxda gacanta ugu haya ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laba maalin ka hor howlgal milatari ka fuliyay magaaladaas oo ah xarunta gobolka Baay.

- Advertisement -

Read more

Local News