Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Maxamuud Xoogsade, oo kamid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka oo ku sugan deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose , ayaa ka hadlay xarig ciidamada Kenya u geysteen saraakiil ku sugneyd deegaanka.
Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay xabsiga dhigeen labo sarkaal oo Soomaali ah kuwaasi oo kasoo horjeestay damac ciidamada Kenya ka galay qaadashada dhaqaalaha ugu badan ee kasoo xarooda deegaanka Hosingow.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay damceen in 60% ay qaataan dhaqaalaha kasoo xarooda deegaanka Hosingow, waxaase arintaasi ka hor yimid saraakiisha xabsiga ay dhigeen ciidamada Kenya, sida uu sheegay Sarkaal xoogsade.
“Saraakiil ka mid ah ciidamadii Kenya lagu soo tababaray ee ku sugnaa Hosingoow waxaa xiray Nin Gaashaanle ah oo Qaybtan Masuul ka ah oo AU Hosingoow u joogo, dambi loo xiray malahan, laakiin waxaa loogu yeeray in la wada hadalsiiyo dadka deegaanka iyo ciidamada meesha jooga ayuu Afhayeen u ahaa.” Ayuu yiri Cali Maxamuud Xoogsade.
Sidoo kale Sarkaal Xoogsade, ayaa sheegay in saraakiisha loogu yeeray wadahadal laakiin la qiyaamay oo markii ay saldhiga tageen xabsiga la dhigay.
“Laba Sarkaal ayaa aad u qaylisay, Taliyaha Ciidanka Kenya ayaa u yeeray, oo ku yiri ii kaalaya waan ka wada hadleenaa arrintaas, markii ay u taggeena waala xiray shalay. Waala qiyaamay Saraakiishaas.”ayuu hadalkiisa kusii daray.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]