Sarkaal ciidan oo Muqdisho soo gelin jiray qarxayada Al-Shabaab oo dil lagu xukumay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle), kaas oo lagu helay in uu si hoose ula shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab.

Ninkan ayaa ka soo mid ahaa Ciidamada Xoogga illaa Dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaan uu ka gaaray Darajada Kabtan, isaga sidoo kale soo noqday taliye Urur oo la soo shaqeeyay General Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhaga-badan) Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu xittaa noqday Darawalkiisa gaarka ahaa.

Ayaanle ayaa waxaa lagu helay dambi ah in gawaarida qaraxyada uu Al-Shabaab usoo gelin jiray Muqdisho, isaga oo baabuurtaas dhigay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar, Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019, sida ay sheegtay maxkamadda.

Weeraradaas ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen illaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha bulshada, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tira kale oo intaas kasii badan.

Sidoo kale Shariif Maxamed ayaa eedaha kale ee loo haystay waxaa kamid ahaa iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa.

Soo qabashadiisa ayaa timid ka gadaal markii laga tix raacay xiriirka technologyada, kadib weerarkii garoonka Diyaaradah Aadan Cade 23-kii March Sanadkii tegay 2022 balse waxaa la waysnaa ilaa  November 19-kedii 2022 markaas uu soo galay gacanta Hay’adda NISA.

Intaas kadib Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhageysAtay maxkamadeynta taliyahan, ayada oo fadhigii u dambeeyay lasoo xiray 7-dii January ee sanadkan 2023.

Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada 1-aad ku xukuntay Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle) dil toogasha ah oo ah qisaasta marxuumiinta ku naf waayay qaraxyadii uu fududeeyay ee ka dhacay Muqdisho, sida warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu racfaan uga qaadan karo xukunka lagu ridday, haddii uusan ku qanacsaneyn go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.