Hadal heyn ka dhalatay arrin ay sameeyeen shaqaalaha wasaaradda gaashaandhiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo haatan uu magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka socdo dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka curtay dalka ayaa waxaa hadal heyn ka dhalatay arrin ay sameeyeen shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dibad-baxaan ayaa waxaa ka qayb-galaya shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda, qaar ka mid ah shacabka Muqdisho, si taageero loogu muujiyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee kooxda Al-Shabaab kula dagaalamayo gobollada dalka.

Shaqaalaha Wasaaradda oo tegay goobta uu ka dhacayo banaan-baxa oo ah Garoonka ENG Yariisow ayaa afka soo duubtay si ay isu qariyaan taas oo ay ka falceliyeen dad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiin caan ah oo tilmaamay arrin fuleynimo ay tahay tallabadaasi.

Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo horey usoo noqday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa su’aallo ka keenay arrinta ay sameeyeen shaqaalaha Gaashaan-dhigga, isaga oo sheegay in Wasaaradda laga rabay inay hormuud u noqoto kacodoonka.

“Tani waa fuxshi iyo fulaynimo waana musiibo kale. Sidee wasaaradda gaashaandhigga oo tan xoreeynta dalka u xilsaaran ay shaqaalaheedu gafuurka u duuban karaan? Runtii tani waa fulaynimo liidata,” ayuu yiri Cali Cali oo war qoraal soo dhigay Facebook-giisa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin meel dhexe oo laga istaagi karo dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta ma jirto meel dhexe oo la istaago intaan aan isla fahamno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale waxaa arrintan ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaliyeed ee isticmaala baraha bulshada, kuwaas oo aragtiyo ka dhiibtay arrintaan.

“Haddii aad adigu ciidan haysato iyagu ma hystaan haddii aad buruuf ku socoto iyagu cagahooda ayey maalaan ee yaa amnigooda damaanad qaadaya? kuwii madaxtooyada ku jiray baa baxsan waayay” ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan.

“Ayaga hadee saas sameeyeen anna qolkega ma seexdiyoo?” ayey tiri Niishaa Xuseen oo ka falcelisay arrintan.

“Beerka caaro idin goysay war wuxu fuleysanaa?” ayuu isna yiri wiil kale oo la yiraahdo Shiine Cadde.

“Wasaarad aan shaqaalaheedu xor ahayn goorme shacab soo baxa ka yeelayaan?” ayuu yiri Cali Quusiye