Rag hubeysan oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay rag hubeysan, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa afar nin oo ahaa burcad, kuwaas oo dhac ka geysanayey degmada Heliwaa, sida uu shaaciyay Booliska gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanayaasha xilliga lasoo qabanayey ay ku howlanaayeen falal amni darro ah, isla-markaana ay dhibaateynayeen shacabka.

Magacyada afarta nin oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa waxaa lagu kala sheegay 1-Maxamed Cabdi Axmed, 2-Maxamed Xasan Cumar, 3-Axmed Maxamed Maxamuudiyo 4- Cilmi Xaaji Hilowle.

“Kooxdaan oo ka kooban afar ruux rag ah sida idiin muuqata ayaa xiliga lasoo qabanayay ku jiray falal lidi ku ah Amniga Bulshada, waxaana sidookale lagu soo qabtay hubkoodii ay wateen oo ay ku dhici jireen Shacabka caasimada, iyadoona xili la qabanayay xabado ku furay ciidanka Amaanka ee Howgalka ku jiraym” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sidoo kale wuxuu talisku sheegay in raggan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedeeysanyaashan ayaana la hor geenayaa Hey’adaha kale ee garsoorka si looga qaado tilaabo Sharciga waa faqsan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska gobolka.

Ugu dambeyn ciidamada Booliska ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay lasoo wadaageen xogta ragga hubeysan ee lasoo qabtay.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka ammaan darrida ah.