Sarkaalkii dilka ku xukumay Jeneral Salaad Gabeyre oo dhintay iyo Xasan Sheekh oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Maxkamadii Badbaadada dalka, S/Guuto Maxamuud Geelle Yuusuf, wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee loo magacaabay Maxkamadii Badbaada Dalka oo ahayd Maxkamad si gaara u qaadi jirtay dacwada dadka lagu eedeeyo “kacaan diidka” maadaama wadanka uu awood militeri ku xukumi jiray Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal ka soo saaray geerida marxuumka ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Jeneraal Maxamuud Geelle Yuusuf oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka, isaga oo Wasiir kasoo noqday Wasaarado kala duwan, sidoo kale waxa uu soo qabtay xilalka Taliyiha Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Guddoomiyihii maxkamadda badbaadada dalka.

Waxay kaloo maxkamadaasi qaadi jirtay dacwadaha dilka la xiriira, musuqmaasuqa iyo xukunnada lagu rido dadka ka soo horjeeda dawladdii dalka ka jirtay.

Wuxuu ahaa gudoomiyihii Maxkamadda Badbaada Dalka sanadkii 1972-dii ilaa uu dalka galay xaaladii burburka sanadkii 1990-kii.

Jananka oo da’ ahaa, isla markaana xanuunsanaa sanadihii la soo dhaafay ayaa maanta ku geeriyooday Muqdisho, wixii ka dambeeyey burburkii dalka wuxuu ku noolaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland, balse markii uu xanuunsaday wuxuu dalbaday in lagu soo celiyo Soomaaliya oo ugu dambeyntii uu ku geeriyooday maanta.

Allaha u naxariistee Jeneral Maxamuud Geelle waxaa uu ku dhashay magaalada Qardho ee gobolka Bari sanadkii 1937-kii, wuxuu ahaa sarkaal ciidan oo tababarro kala duwan oo dhanka ciidanka ku soo qaatay dalalka Ruushka iyo Talyaaniga.

Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sida firfircoon ugu qayb qaadatay afgembigii Soomaaliya ka dhacay 21-kii October sanadkii 1969-kii ee xukunka dalka uu kula wareegay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Xukunadii ugu waaweynaa ee ay uu riday intii uu ahaa guddoomiyaha Maxkamaddii Badbaadada Dalka, waxaa ka mid ahaa xukunkii dilka ahaa ee lagu fuliyey Jeneral Salaad Gabayre, Jenenal Maxamed Caynaanshe, Cabdulqaadir Dheel iyo saraakiishii sameeyey afgembigii fashilmay Korneyl Maxamuud Cirro uu ku jiray.