Saudi Arabia oo qaadeysa tallaabo kale oo la xiriirta xiisada kala dhaxeysa Qatar

Doha (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in dhawaan ay albaabada dib ugu furto safaaradeedii magaalada Doxa ee dalka Qatar, kadib khilaaf xoogan oo sanado soo jiitamayay oo ka dhex aloosna labada dal.

Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga, Faisal bin Farhan ayaa warbaahinta u sheegay in dalkiisu uu dib usoo celinayo xiriirkii Qatar, isla markaana ay maalmaha soo socda dib u furayaan safaaradii Sacuudiga ee dalkaas.

“Safaaradeena dib ayaa looga furi doonaa Doxa maalmo gudahood, waxaan dhameystiri doona arrimaha lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga, Amiir Faisal.

Arrintan ayaa imanaysa xili ay dhawaan gaareen heshiis Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar, kaasi oo dib loogu soo celinayo xiriirkii Qatar ee ay sida wada-jir ah u jareen 2017-kii, kuwaasi oo kusoo rogay xiligaas cunaqabteyn.

Heshiiskan ayaa meesha ka saaray cunaqabateyntii Qatar, iyada oo ay shaaciyeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka inay dib u fureen Doxa xuduudii ay saddex sanno ka hor ay ka xirteen ee Badda, Cirka iyo dhulka.

Qatar ayaa sanadihii u dambeysay wajaheysay cunaqabteyn ay kusoo rogeen dalal carbeed, kuwaasi oo ay hor kacayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo xiligaas ku eedeyay inay xiriir dhow la leedahay argagixisada, taasi oo ay beenisay xukuumadda Doxa.

Xayiraada Qatar la saaray 2017-kii ayaa waxa  lagu tilmaamay mid lagu deg-degay oo aan laga fiirsan, iyada oo aan saameyn xoogan ku yeelan dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee Qatar, sida ay sheegtay xukuumadda Doxa.