Maxaa ka jira in 370 ka mid ah askartii Soomaalida ee la geeyey dalka Eritrea ay ku dhinteen Mekelle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa sheegay inuu helay xog sheegeysa in askartii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea ay qaarkood ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Cabdisalaan Guuleed oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in loo xaqiijiyey geerida 370 askari oo ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea.

“Baaritaan iyo xiriirro aan la sameeyey meelo kala duwan, waxaa la ii xaqiijiyey in ciidanka Soomaalida ah ee dagaalka gobolka Tigray dhanka Eritrea ka soo galay ay gaarayaan illaa (4-kun) afar kun oo askari, kuwaas oo ka barbar dagaalamayey ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ee dagaalka adag la galay kooxdii TPLF,” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.

Isagoo sii hadalayey waxa uu yiri, “Waxyaabaha aan aad uga naxay ee nasiib darrada ah waxay tahay, in la ii sheegay in ku dhawaad 400 (afar boqol oo askari) ay ka dhinteen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey Eritrea, boqolaal kalena ay dhaawac yihiin, dhaawacyadoodiina lagu celiyey dhulka Eritrea.”

Waxa uu sheegay in saraakiil Itoobiyaan ah oo uu la xariiray ay u sheegeen in dhimashada soo gaartay askarta Soomaaliyeed ay aad u badan tahay.

“Saraakiishu waxay igu dhaheen, 900 illaa 1100 askari oo Soomaali ah oo hal dhinac ka galay xabadda wax dheexaa kama badbaadin oo waa ay baaba’een ilmihii Soomaalida ahaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha Itoobiyaanka ah ay u sheegeen in ciidanka Soomaalida ah ee dagaalkaas galay ay hoggaaminayeen saraakiil Eritrean ah.

“Mar aan wax ka weydiiyey xubno aan is leeyahay saraakiisha waa uga xog ogaalsanyihiin arrimahan, waxay ii sheegeen dowladda Soomaaliya inay heshiis la gashay Itoobiya iyo Eritrea, kaas oo ahaa in Farmaajo la weydiistay ciidamo Soomaali ah oo qeyb ka noqda xasilinta amniga gobolka Tigray, isaguna uu ogolaaday,” ayuu yiri.

Cabdisalaan Guuleed oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Laba beri ka hor waxaan maqlay in madaxweyne Farmaajo yiri ciidankaas yaan la igu soo celin, hadaan soo laabto anigaa la igala xaali doonaa, hadii aan soo laaba waayana cidii I bedesha ayaa wax laga weydii doonaa, balse inta doorashadu jirto yaan noloshooda iyo geeridooda la igu soo hadal qaadin.”

Laba todobaad ka hor waxa uu sheegay inuu helay lambarka qaar ka mid ah askarta Soomaaliyeed ee Eritrea la geeyey, isla markaana ay u sheegeen in meel loo wado, balse qeybtooda aan weli dagaal la gelin, hadana meel aysan garaneyn loo wado, wixii intaas ka dambeeyana waxa uu sheegay inuu waayey xiriirkooda.

Mudo ku dhaw sanad waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa war iyo wacaalba ka heyn wiilashoodii loo qaaday Eritrea, si loo siiyo tababar ciidan, waxaana isi-soo taraya wararka sheegaya in dagaalkii lagu jebiyey TPLF ay ku jireen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday Eritrea, in kastoo Caasimada Online aysan xaqiiji karin warkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin bad-qabka dhalinyarada maqan ee tababarka ay ugu qaaday dalka Eritrea, sida la aaminsan yahay, in kastoo xitaa aysan dowladdu shaacin dalka tababarka loo geeyey dhalinyaradaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga