Wararkii ugu dambeeyey khilaafka ka dhex-taagan UNSOM iyo SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa maalmaha soo socda la filayaa in magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ay tagaan wafdi culus oo ka socda Qaramada Midoobay, kaasi oo uu hor kacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Amb. James Swan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xogagaal ah.

Wafdiga Swan ayaa magaalada Hargeysa u tagaya sidii madaxda Somaliland uga wada-hadli lahaayeen khilaafkii muddooyinkii dambe ka dhex taagna hay’adda Qaramada Midoobay iyo xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi, midaasi oo meesha ka saartay wada-shaqeyntii labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Amb. James Swan ayaa madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi kala xaajoon doona qaabka ay QM ula tacaamuleyso, maadama ay hore u diideen deeqaha loo soo marinayo dowladda federaalka.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore ee 2019-kii gebi ahaanba joojisay wada-shaqeyntii Qaramada Midoobay iyo howlihii ay ka waday gudaha Somaliland, kadib markii ay QM ku eedeysay inay wiiqeyso madax-banaanida ay ku doodo.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, waxayna si adag uga hortimid in deeqaha la siinayo lasoo marsiiyo dowladda federaalka Soomaaliya, waana midda u weyn ee keentay khilaafka QM iyo Somaliland.

Wafdiga Swan ee lagu wado inay tagaan Somaliland, ayaa kusoo aadaya xili ay dhowr jeer wada-hadalo khadka telefoonka ah yeeshen Amb. Swan iyo Muuse Biixi, kuwaasi oo ka wada-hadlay soo afjarida khilaafka labada dhinac.