Saudi Arabia oo si rasmi ah u wada joojisay Cumarada

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya oo horey u mamnuucday cumrada dadka ajnabiga ah, ayaa ku dhowaaqday in sidoo kale hadda laga mamnuucay dadka u dhashay dalkaas.

Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii shaacisay in qofkii ugu horreeyey ee dalkaas ku nool laga helay cudurka Coronavirus, kaasi oo ahaa qof booqasho ku tegay dalka Iran balse aan shaaca ka qaadin.

“Kadib talo soo jeedinta guddiga loo xil saaray la socoshada cudurka Coronavirus, waxaa la go’aamiyey in la joojiyo cumrada muwaadiniinta boqortooyada,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal lasoo dhigay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Go’aankan ayaa si joogto ah dib loogu eegi doonaa, waxaana laga yaabaa in wax laga beddelo haddii xaaladdi is-bedesho, sida lagu sheegay qoraalka SPA.

Dadka Sacuudiyaanka ah ayaa weli booqan kara masaajidada Xaramka iyo midka Nebiga NNKH, si ay salaadda ugu tukadaan, hase yeeshee waxaan la ogoleyn kaliya cumrada.

Toddobaadkii tegay, Sacuudi Carabiya ayaa hakisay Cumrada iyo Dalxiiska ay dalkeeda ku iman jireen ajaaniibta dalalka uu ku fidayo cudurka Coronavirus.

Wasaaradda arrimaha dibdda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hakinta ay tahay mid waqti kooban ah, hase yeeshee ma shaacin xilliga ay ku eg tahay.

Ma cadda, haddii go’aankan uu sameeyn doono Xajka oo sanadkan ku beegan dabayaaqada bisha July.