Xog: Biro hanti qaran ah oo laga dhoofinayo dekedda magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa dekadda magaalada Muqdisho ka socda rarista biro muhiim ah oo dalka la keenay 1989-kii xiligaas oo ay dalka ka talin jirtay dowladii Jaalle Maxamed Siyaasad Barre.

Birahaan oo qaali ah sidoo kalane ah hantida yar ee ka bad baaday boobka xiligii bur burka ayaa waxaa maraakiib ku qaaday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dekadda ayaa Caasimada Online u sheegay in birahaan dalka loo keenay in dekadda lagu ballaariyo iyo sidoo kale in ay qayb ka yihiin agabyo kale oo ay ku shaqeyn jirtay warshada shidaalka sifeysa oo ku taala gudaha dekadda.

Tayo ahaan waxaa lagu sheegay alaab qaali ah oo aad u wanaagsan, mana cadda sababta loo dhoofinayo.

Dhoofinta birahan ayaa waxaa lagu warramayaa inay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin ay ku jiraan wasiiro ka tirsan xukuumadda Kheyre.

Laba jeer ayaa la sheegay in Markab looga qaaday dekadda waxaana ka soo baxaya warar kala duwan dalka loo qaaday. Wararka qaar ayaa sheegaya in loo qaaday Imaaraadka halka qaarkoodna ay sheegayaan in Sacuudiga laga iibiyay.

Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arintaan waxaana la sheegayaa in aysan xukuumadda waxba kala socon balse ay iibsanayaan wasiiro iyo xildhibaano is baheysi ah.