Sawir: Nabaddoon caan ah oo xabsiga la dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka magaaladaasi ay Xabsi dhigeen Nabadoon caan ka ahaa guud ahaan deegaanada Maamulka.

Nabadoonka la xiray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Axmed Ibraahim ‘Xarago’, waxa uuna xariga Nabadoonka yimid kadib markii warqad kasoo baxday Maxkamada guud ee Puntland lagu amray in lagu soo xiro Nabadoonka.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu meel uga dhacay sharafka Saraakiisha Maxkamada, kadibna uu ka hor imaaday xubno 4 ka kooban oo ay Maxkamadu ka saartay Golaha deegaanka Boosaaso.

Nabadoon Xarago ayaa ka mid ahaa nabadoono dhowr ah oo ka hor yimid go’aanka Maxkamada guud ee Puntland ay kaga saartay Afartaasi xubnood golaha deegaanka Boosaaso ka dib markii ay sheegtay maxkamadu in Golaha ay dheeri ku yihiin.
xarago
Nabadoonka dhankiisa waxa uu ka sheegay in dhismaha gudigaasi loo maray wado qaldan sidaa darteedna aysan ka shaqeyn doonin Boosaaso.

Dhawaan Maxkamada ayaa go’aan ka gaartay dacwad ay u soo gudbiyeen qaar ka mid ah Odayaasha Boosaaso ayna kaga cabanayeen dhismaha golaha deegaanka Boosaaso iyo Duqa magaalada.

Geesta kale, waxa ay maxkamadu go’aan ku gaartay in golaha laga saaro xubnaha dheeriga ah ee aan sharciga ku joogin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com