Olole lagu maxkamadeynayo madaxda Somalia!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya oo kamid ahaa dadkii dhawaan tagay magaalada Gaalkacyo Marqaatigana ka ahaa hishiiskii Galmudug iyo Puntland u dhaxeeyay ayaa ka dhawaajiyay hadal aysan jecleysan madaxda Soomaalida.

Isaga oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay Maxamed Cabdi Afeey iney dadaal dheeri ah u gali doonaan sidii maxkamada dambiyada dagaalka xafiis uga furan laheyd magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ummada Soomaaliyeed u baahan tahay hogaan ka baqa cadaalada in lagula xisaabtamoo haddii aan la helin maxkamad lasoo taagana uu sameynayo dambiyo dagaal, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadii Soomaaliya la helin si toos ah inay maxkamadda adduunka u fara geliso, nin walba dagaal abaabula oo shacabkiisa laaya, sida Madaxda Afrikada kale loo ciqaabo hadaan Soomaaliya loo ciqaabeyn, ma joogsaneyso xasuuqa shacabka”ayuu yiri Danjire Afey.

Wuxuu sheegay Afeey haddii ay dhici laheyd in masuul Soomaaliyeed loo maxkamadeyn lahaa dambiyo dagaal uu u geystay ummada Soomaaliyeed ay yaraan lahaayeen dilalka iyo dagaalada macno darada ee shacabka Soomaaliyeed loo geysanayo.

“Hadii dagaalkii Gaalkacyo faraha looga qaadi lahaa todobaad gudihiis, waxaa hubaa in magaaladaas aan shacab loogu imaan laheyn, wax barakacay iyo wax dhamaaday ayay noqon lahaayeen, hubkii dadka dagaalayay isticmaalayay marka la fiiriyo, oo la mid ahaa kuwa lagu isticmaalayay Suuriya oo kale, hubkaas la isku baabi’inaya”ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Dhanka kale Maxamed Cabdi Afeey ayaa la yaabay hub badan iyo ciidamo uu kusoo arkay magaalada Gaalkacyo oo uu sheegay in lagu difaaci karo dalka Soomaaliya islamarkaana aan loo baahan laheyn AMISOM sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com