XOG: Xabsi guri la geliyey taliyihii ciidamada…!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar soo baxay ayaa sheegaya in Taliyaha ciidamada Booliska Degmada Kismaayo Gaboobe Xasan Barre laga dhigay xabsi guri, kadib markii Khamiistii ciidamo isaga ka amar qaata iyo ciidamo kale oo Jubbaland ka tirsan ay ku dagaalameen Magaalada Kismaayo, dagaalkaasi oo Khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.

Gaboobe Xasan Barre ayaa lagu eedeynaa inuu si gardaro ah u weeraray ciidan ku sugnaa Boos ku yaallo Xaafada Dalxiiska ee Magaalada Kismaayo, Booskaasi oo uu muran ka taagnaa, waxaana dagaal halkaasi ka dhacay ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Amar ka soo baxay madaxda Maamulka Jubbaland ayaa Gaboobe Xabsi guri looga dhigay, iyadoo la sugaayo in Magaalada Gaalkacyo uu ka tago Wasiirka Arimaha Bulshada Jubbaland Macalin Maxamed oo Axmed Madobe arintaan u xil saaray.

Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Kismaayo ayaa la soo warinayaa inuu ku xiran yahay Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, ilaa amar dambana halkaasi uu ku jiri doono.

Maamulka Jubbaland ayaa horay uga haayay dhowr kiis Taliye Gaboobe, hayeeshe arintaan ayaan la ogeyn inuu xilkiisa ku weyn doono iyo in kale.

Tallaabadan ay qaadeen Madaxda Maamulka Jubbaland ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka Magaalada Kismaayo oo ku tilmaamay mid loo baahnaa, maadaama tani ay muujinayso cadaalada.

Xubnaha Maamulka Jubbaland weli si toos ah Saxaafadda ugama aysan waramin arintaan, hayeeshe Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay jiritaanka kiiskaan Taliyaha loo haysto.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com