Xog: Xasan $20 milyan oo u qoondeeyey 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2016-ka ayaa nqon doonta tii ugu qarashka badneyd taariikhda Soomaaliya, sababo la xiriira mowqifka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu 20 milyan oo dollar u qoondeeyey in dib loogu soo doorto.

Xasan Sheekh oo ku guuleystay qorshihiisa ahaa inaysan dhicin doorasho qof iyo cod ah, ayaa doonaya in lacag madax waal ah uu u ballan qaado xildhibaannada cusub ee doorashada 2016-ka sameyn doono.

Ilo-wardeeyadu waxa ay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo in xildhibaankiiba uu ku iibsado boqol kun oo dollar, ayada oo 20-ka milyan ay ku baxeyso illaa 200 oo xildhibaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo la-taliyayaashiisa oo rumeysan in xildhibaanada sameeya ballan qaadyada codeed aysan ka wada dhabeyn doonin, ayaa doonaya inuu tirado badsado, si uu u helo ugu yaraan codadka 150 xildhibaan.

Qorshaha Xasan Sheekh waxaa sidoo kale ka mid ah inuu saameyn ku yeesho soo xulista xildhibaanada cusub, si rajadiisa dib usoo laabasho ay u badato. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaanahan wareegayey dalal badan oo carab ah, oo uu lacag badan kasoo helay.

Qorshaha Xasan Sheekh ayaa caqabad ku noqon doona musharaxiinta kale, maadaama ay adkaan doonto inay soo helaan 20 milyan oo dollar. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com