Xog: Muqdisho oo wajaheysa canshuur u gaara

Muqdisho (Caasimada Online) – Max’ed Aadan Ibraahim Farkeeti Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Somalia, ayaa mar kale ka hadlay dhaqaalaha ay wasaarada uga baahan tahay Shacabka magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradu ay u diyaar garoobeyso qaadista Canshuuraha guryaha ku yaalla magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in wasaaradu aysan Canshuurtaasi u cafin doonin milkiilayaasha leh guryaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in howlaha Canshuurta lagu uruurinaayo inay la kaashan doonto Maamulka Gobolka Banaadir, balse waxa uu ka digay in dadka shacabka ah ay u hogaansami waayan sharciga lagu qaadayo Canshuurta.

Wasiirku waxaa uu sheegay in ay sidoo kale ballan qaadayaan in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celinayo Canshuurta laga qaado oo ay ku heli doonaan adeegyada Bulshada ee ay Dowladdu bixiso.

Max’ed Aadan Ibrahim Farkeeti Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia waxaa uu sheegay in Wasaaradda iyo Xukuumaddaba ay dhaawac ku tahay haddii lacagta laga qaado shacabka aysan isla xisaabtan marin.

Waxaana uu intaa ku daray in Dowladdu ay ka war qabto in shacabka ay ku jiraan kuwo aan awoodin qutulyoomka balse iyaguba lagu qasban yahay inay bixiyaan.

Inta badan shacabka Muqdisho ayaa horay u diiday bixinta Canshuurta waxa ayna DFS ku eedeeyen in lacag ay bixiyaan uusan qaadan doonin dhaqaale u ruuriyaha.

Dhanka kale, dadaalkaani ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo laga hirgaliyo Muqdisho tan iyo markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com