Shariif Xasan Sheekh Aadan & Axmed Madoobe oo kala aarsaday iskuna soo dhawaanaya (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Labada Madaxweyne ee Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa markaan u muuqanaya iney isku soo dhawaanayaan, waxii ka dambeeyay markii magaalada Gaalkacyo ay isku arkeen marar badan.

Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo Axmed Madoobe ayaa marar badan siyaasad ahaan taako isku dhigay, waxaana Axmed Madoobe uu isku dayay inuu ka aarsado Shariif Xasan madaxweynaha Koofur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa lagu eedeeyaa inuu ka dambeeyay fikradii xildhibaanada Soomaaliya ay sharci daro kaga dhigeen baarlamaanka maamulka Jubbaland, inkastoo cod u qaadistii baarlamaanka Jubbaland aysan shaqeyn.

Axmed Madoobe, ayaa dhankiisa isku dayay inuu arintaasi aarsado wuxuuna shacabka Daga Yeed iyo deegaano kale oo ka tirsan Bakool uu ku kiciyay maamulka Shariif Xasan, waxayna arintaasi qasabtay in ilaa iyo hadda aan lasoo dhisin baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.

Xog Hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya iney kulamo gaar ah wada qaateen xubno ka tirsan maamulka Koofur Galbeed oo Gaalkacyo joogay iyo madaxweynaha Jubbaland, kuwaasi oo ka arinsaday sidii xiisada labada maamul loo dhameyn lahaa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirkaasi aan wali natiijo rasmi ah laga soo saarin balse ay soo muuqaneyso isku soo dhawaansho labada maamul ee deriska ah.

Khilaafka u dhaxeeya labada Maamul ayaa gaaray in Beesha ka soo jeeda Jubbaland ee degta Gobbolka Bakool ee Koonfur Galbeed ay iyaduna ku dhawaaqdo inaysan aqoonsaneyn Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xassan.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com