25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xasan oo magacaabay danjiraha SOMALIA ee…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Danjiraha Somalia u fadhin doona dalka Indonesia.

Madaxweyne Xassan ayaa Danjiraha u magacaabay Cabdixakiin Cali Yaasiin, waxa uuna Somalia u matali doonaa dalkaasi ilaa laga magacaabo Danjire kale.

Madaxweynaha dalka Indonesia Joko Widodo ayaa maanta ka gudoomay waraaqihii aqoonsiga ee danjire Cabdixakiin Cali Yaasiin.
Danjire-Cabdixakiim1
Madaxweynaha Indonesia ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Danjire Cabdixakiim mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, una rajeeyay inuu Ilaahay u fududeeyo.

Sidoo kale, Joko Widodo ayaa ballan qaaday in Indonesia ay xooojin doonto wax la qeybsiga iyo xiriirka kala dhexeeya Somalia.

Dhanka kale, Danjiraha cusub ayaa horay safiir uga soo noqday dalalka Libya iyo Tanzania.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News