Sawir: Xasan oo dhulkeennii dhaafsaday LACAG

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo mudooyinkaani danbe lagu eedeeynaayay in qaab hoose uu Kenya uga iibsanaayo Badda Somalia, ayaa waxaa laga sameeyay Sawir arrintaasi cadeyn looga dhigay.

Sawirkaani ayaa waxa uu muujinayaa in Xassan Sheekh uu ku guda jiro iibsashada Badda Somalia, si haddii looga guuleysto doorashada 2016-da uu dhaqaalahaasi uga macaasho.

Xassan ayaa dib usoo celinta iyo ka hadalka Badda Somalia xujo uga dhigay in mar kale sanada 2016-ka loo doorto Madaxweynaha Somalia, haddii la dooran waayana micnaheedu uu yahay inuusan Kenya kala hadli doonin arrimahaasi.

DFS ee hadda jirta ayaa tan iyo markii la doortay dhabarka u xiraneysay iibinta dalka Somalia, waxaana taasi daliil u ah sababta Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid looga dhigay Ra’isul wasaaraha dalka si uu usii wado dadaalada lagu beecinaayo Badda iyo Xuduudaha Somalia.
XUDUUDAHA