Sawirka Cali Xarbi Cali iyo xog ku saabsan cidda xagjir ka dhigtay oo la shaaciyey

London (Caasimada Online) – Warbaahinta UK ayaa markii ugu horreysay baahisay sawirka Cali Xarbi Cali, oo ah wiilka Soomaaliga ah ee loo xiray dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay mind, maagaalda Essex oo qiyaatsii 65 km u jirta magaalaa London.

Sidoo kale, xog cusub oo la helay ayaa sheegeysa in Cali lagu qasbay inuu qaato kooras waxbarasho oo loogu talo-galay in lagu beddelo dadka xagjirka noqda, muddo shan sano kahor ah, kadib markii macallinkiisa uu ku arkay fikrado xagjir iyo inuu taageero weyn u yahay Anjem Choudary oo ah wadaad baahiya naceybka dadka aan Muslimiinta aheyn.

Cali oo 25 jir ah ayaa lagu warramay in dilka xildhibaan David Amess uu isaga doorto si wareegto ah un, oo aysan jirin naceyb gaar ah oo uu u qabay.

Dad saaxiibo la ah Cali ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail inuu xagjir noqday kadib markii uu daawaday muuqallo badan oo ah khudbadaha Anjem Choudary oo ku jira YouTube. Anjem Choudary ayaa horey waxaa loogu helay dambi ah inuu naceyb faafiyo.

Dhinaca kale booliiska iyo sirdoonka MI5 ayaa eegaya suurta-galnimada ah haddii Cali uu David Amess u beegsaday sababo la xiriira taageerada xildhibaanka ee Qatar oo ah dal saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Cali ayaa markii lagu arkay fikradaha xagjirka isaga oo 19 sano jir waxaa loo diray barnaamijka Prevent ee loogu talo-galay dadka xagjirka noqda, maadaama loo arkay in xagjirnimadiisa aysan gaarin heer loo gudbiyo sirdoonka MI5.

Waxaa sidoo kale lagu warramay in xilliga lagu arkay fikradaha xagjir ay kusoo aaday xilli aanu wanaagsaneyn xiriirka isaga iyo qoyskiisa, ayada oo hooyadiis iyo aabihiis ay kala tageen kadibna aabihiis uu aaday Soomaaliya. 

Qof ku dhow qoyskiisa ayaa sheegay in riyadiisa aheyd inuu noqdo dhaqtar, islamarkaana uu isku diyaarinayey inuu qaato imtixaanka NHS.

Xarbi Cali Kulane oomarkii ugu horreysay ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, ayaa isna yiri “Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh.”

“Ma ahan waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times.

“Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yiri Xarbi Cali Kulane.