Ahlu-Sunna oo saddex jiho laga hareereeyey iyo wararkii ugu dambeeyey Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Xaaladda Galmudug ayaa sii cakirmeysa kadib markii ay fashilmeen wada-hadallo ay wadeyn odayaasha magaalada Guriceel oo ay ku doonayeen in kooxda Ahlu Sunna ay si nabad ah uga baxdo magaalada oo aan lagu dul dagaalamin dadka maatada ah.

Ahlu-Sunna ayaa la sheegay inay ku gacan seyrtay dhowr kulan oo ay odayaasha deegaanka la yeesheen, si gaar ah Sheekh Maxamed Shaakir oo hoggaaminayey gulufkii ay kooxdaan ku qabsatay magaalada Guriceel ayaa la sheegay inuu diiday inuu magaalada ka saaro ciidanka kooxdaan.

Sida aan xog ku helnay, dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Galmudug ayaa la xaqiijiyey inay daabushay ciidankii ugu xooganaa iyadoo geysay jihooyinka laga soo galo ama laga soo baxo ee Magaalad Guriceel.

Kooxda la baxday Ahlu Sunna hadda ciidan ahaan waa hareereysan tahay, cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa shalay tagay Magaalada Matabaan iyo hareeraheeda, waxaana loogu talagalay inay toos u aadaan Magaalada Guriceel haddii laga fursan waayo dagaal.

Ciidan kale oo xoog leh ayaa dhanka Dhuusamareeb xigta ka jooga Magaalada, halka ciidan kale la geeyey tuulo si xagal ah ugu aadan jihada Balanbal.

Seddexdaas jiho ayey Galmudug geysay ciidanka loogu talagalay inay dib ula wareegaan Magaalada muhiimka ah ee Guriceel, waxaana la xaqiijiyey inay sugayaan go’aanka ugu dambeeyo ee madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ku jira wada-tashiyadii ugu dambeeyey.

Odayaal deegaanka ah oo is xilqaamay ayaa ku fashilmay inay xal ka keenaan xiisadda ka taagan magaalada Guriceel, waxaana magaalada isaga baxay inta badan Shacabkii ku noolaa.

Ahlu Sunna ayaa ku adkeysatay inaysan ka baxeyn magaalada Guriceel sida uu dhawaan saxaafadda u sheegay Taliyaha guud ee ciidanka Ahlu Sunna Cali Faarax.