Afar weeraro dhimasho leh oo rag Soomaali ah ay dalalka reer galbeedka ka geysteen

London (Caasimada Online) – Booliska Britain ayaa labo maalin ka hor Nin Soomaali ah u qabtay inuu ka dambeeyey dilkii mindida loo adeegsaday ee xildhibaan David Amess, falkaasi oo hadal hayn badan dhaliyey.

Wiilka Soomaaliga ah ee lala xiriirinayo dilka David, Cali Xarbi Cali ma aha Soomaaligii ugu horeeyay ee fal noocaas ah ku lug yeesha, gudaha dalkaas iyo magaalooyin kale oo kamid ah dalalka ree galbeedka.

Marka laga soo tago dilka ugu dambeeyay ee dhacay 15-kii bishan October, waxaa jira kuwo kale oo rag Soomaali ah ay ku lug lahaayeen, waxaana warbixintaan ku eegeyna 4 kamid ah dilalkii ugu hadal haynta badnaa ee lugaha la galay dad Soomaali ah.

1. Dilka dhawaan loo geystay Sir David Amess: falkaan waxaa u xiran Cabdi Xarbi Cali oo loo haysto inuu toorey ku dilay xildhibaanka oo ka tirsanaa xisbiga asal raaca, ahaan mudane ka tirsan baarlamaanka Britain.

Sir David Amess ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, markii ninka Soomaaliga ee dilka lagu tuhmayo, uu billaabay weerarka mindida oo ka dhacay magaalada Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London.

Falkaas ayay dowladda UK ku tilmaamtay mid argagixisanimo ah. Waxaa xusid mudan in Cali uusan horay ugu jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka gudaha UK ee MI5.

25 jirkan oo heysta dhalashada UK balse kasoo jeeda Soomaaliya ayaa lagu qabtay isla goobta uu dilka ka dhacay. Tan iyo maalintii Sabtida waxaa socda baaritaan ay boolisku ku hayaan kiiskan.

2. Dilkii 25-kii bishii June ka dhacay Würzburg ee dalka Jarmalka: Nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan oo Soomaali ah ayaa saddex ruux ku dilay magaaladaas, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Sida ay sheegeen xiligaas laamaha amniga in si rasmi ah loo ogeyn ujeedad ka dambeysa falkaas, waxayna gacanta ku dhigeen ninka la tuhunsan yahay oo 24 jir ah kaddib markii ay lugta ka toogteen.

3. Dilkii bartamihii bishii December ee sanadkii 2020-kii: Booliska Australia ayaa toogasho ku dilay nin asal ahaan Soomaali ah oo lagu tuhmay argagixisanimo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Raage Maxamed Cabdi.

Saraakiisha ayaa xiligaas sheegay in Rage Maxamed Cabdi uu sameeyay wax ay ugu yeeren “hanjabaad dhanka afka ah”, inkasta oo qareennadiisa ay sheegeen in uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan.

Raage oo 22 jir ahaa ayaa markii la dilayay ku hubeysnaa toori sida uu tabiyay telefishinka ABC ee fadhigiisu yahay Australia. Laamaha amaanka oo ay soo wargaliyeen dad shacab ah ayaa ninkaas kula kulmay waddo mashquul badan.

4. Baxsadihii UK ee 2010-kii: Ilaa hadda waxa ay booliska Britain ku howlan yihiin raadinta nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Cige, kaasi oo loo haysto dilka Aamir Siddiqi oo xiligaas ahaa 17 jir, wuxuuna 11 sano ka hor ka dhacay gudaha UK.

Maxamed ayaa la rumeysan yahay in uu jiro 43 ayaa markii hore u cararay dalka Hindiya, isagoo ka baxsanayay booliska Wales oo ku raad joogay, waxaana sanadkii xigay ee 2011-kii lagu xiray gudaha Hindiya, isagoo loo haystay tuhun la xiriira dil.

Hase yeeshe Cige ayaa baxsaday sanadkii 2017-kii xilli ay booliska Hindiya isku diyaarinayeen inay u soo gacan galiyaan booliska UK, oo illaa hadda ku howlan soo gacan gelintiisa.

Si kastaba, Dilalka ka dhaca dalalka reer galbeedka waxaa sidoo kale dhibanayaal u noqday dhallinyaro badan oo Soomaali ah, taasi oo sababtay in waalidiinta qaarkood ay wiilashooda u diraan Soomaaliya, si ay uga fogeeyaan dambiyada lagu geysto mindiyaha iyo isticmaalka daroogada.