Arag: Sawirka ugu hadal-haynta badnaa baraha bulshada iyo sida uu ku billowday

Nairobi (Caasimada Online) – Sawir AI ama macmal ah oo muujinaya xeryo teendho ah oo Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ay ku suganyihiin iyo hal-ku-dhigga ‘Indhaha oo dhan waxa ay kusii jeedaan Rafax ayaa si weyn u dhex socda baraha bulshada.

Sawirka waxaa la isticmaalay in ka badan 47 milyan oo jeer kuwaas oo ahaa isticmaaleyaasha Instagram oo ay ku jiraan dadka caanka ah sida Dua Lipa, Lewis Hamilton iyo Gigi iyo Bella Hadid iyo ciyaartoyda kubadda cagta qaarkood.

Muuqaalka iyo halku-dhigga ayaa noqday mid faafa ah ka dib markii ay Israa’iil duqaymo ka geysatay xero ay ku nool yihiin dad Falastiiniyiin ah oo ku barakacay magaalada Rafax ee koonfurta Qasa horaantii toddobaadkan.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan 45 qof ay ku dhinteen duqaymahaas boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Israa’iil waxay sheegtay inay beegsatay laba taliye oo Xamaas ah, waxaana laga yaabaa in dab khasaare badan dhaliyay uu ka dhashay qarax labaad.

Waxaa jirtay cambaareyn caalami ah oo si weyn loo cambaareeyay weerarka Israa’iil.

Dhacdadan ka dib, sawirka ayaa noqday mid si weyn loo arkayo ka dib markii nin dhalinyaro ah oo ku nool Malaysia uu soo dhigay bartiisa bulshada, BBC Arabic ayaa ogaatay.

Haddaba sidee buu sawirkani ku yimid?

Halkee buu ka bilaabmay hal-ku-dhegga indhaha oo dhan waxa ay ku jeedaan Rafax?

Dhacdadii dhimashada lahayd ee horraantii toddobaadkan ka dhacday Rafah ayaa horseeday in dadku soo dhejiyaan muuqaallada Richard Peeperkorn, oo ah wakiilka Ururka Caafimaadka Adduunka ee dhulka la haysto ee Falastiin, isagoo hadlaya bishii Febraayo.

Wuxuu u sheegay saxafiyiinta xilligaas in “indhaha oo dhan ay ku wajahan yihiin Rafah”, isagoo ka digay ciidamada Israa’iil ee weeraray magaalada.

BBC