26.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Sawirro: CC oo baarlamanka hortagay, dalab cusub jeediyay & buuq dhacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow golaha shacabka gaaray ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kadib markii uu kulanka furay gudoomiyaha baarlamaanka.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa hadalka kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, waxaana la sheegay in kadib uu buuq ka bilowday baarlamaanka dhexdiisa.

Cumar C/rashiid ayaa  ka dalbaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay siiyaan muddo 10 maalin ah, si uu usoo dhameystiro golahiisa wasiirada waxaana ka dib bilowday buuqa ay sameynayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ilaa iyo hadda socda buuqa ay sameynayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, sida uu sheegayo wariyaheena oo ku sugan dhismaha baarlamaanka., iyadoo aysan suuro gal aheyn inuu sii hadlo ra’iisul wasaaraha.

La soco waxii kusoo kordhaa.

sharma'arke 243217

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News