28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawiro: Ku Dhawaad Kun Arday Oo Ka Qalin Jebisay Jaamacadda Caalamiga Ee Horseed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay qalin jebinta 900 arday oo ka kala tirsan dufcadaha 3aad iyo 4aad ee Jaamacadda Horseed ayaa maanta lagu qabtay magaalada muqdisho.

ardaydan ayaa ka qalin jebiyay kuliyadaha kala ah: caafimaadka, xannaanada xoolaha, IT-ga, Shareecada, dhaqaalaha iyo Maamulka, Cilmiga Bulshada, Maamulka Guud.

Munaasabadda oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka socotay Golaha shacabka, Golaha wasiirada, Maamulka qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka, Masuuliyiinta qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga iyo isgaarsiinta.

dhammaan ardeyda iyo marti sharaftii ka qeyb gashay xafladda ayaa muujiyay dareen farxadeed aad u heer sarreeya.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ah Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Board-ka Jaamacadda Horseed oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ardeyda qalin jebisay looga fadhiyo hal-abuurro cusub oo qeyb ka qaadanaya dadaallada lagu raadinayo horumarka dalka.

‘maanta waad qalin beddelateen, laakiin waxaa la idinkaga fadhiyaa inaad dadaallada halkiina kasii waddaan isla markaana la timaadaan hal-abuurro cusub oo fursado u noqonaya dadka kale isla markaana horumarka ka qeyb qaadanaya’ Ayuu yiri Xildhibaanka.

sidoo kale Muqtaar Cali Aadan oo ah xubin ka tirsan Guddiga Board-ka Jaamacadda Caalamiga ee Horseed ayaa ardeyda ugu hambalyeeyay Qalin jebintooda, isla markaana kula taliyay in aysan is dhigan oo ay halkooda kasii wataan waxbarashada si loo helo jiil aqoon iyo khibrad ahaanba dhisan.

‘waxay ila tahay inaadan is dhigan oo aan halkan lagu hakin waxbarashada, waxaan idin kula talinayaa inaad sii waddaan waxbarashada inta aad awoodi kartaan’ ayuu yiri Mudane Muqtaar.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada iyo tacliinta sare: Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa u sheegay ardayda in dowladda soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii ay fursado shaqo ku heli lahaayeen ardeyda ka qalin jebisa jaamacadaha dalka.

‘ waad ogtihiin dowladdu waxay dhawaan u ballan qaaday 1000 dhalinyaro ah in shaqo la siin doon, sidaas daraadeed kuwo badan oo idin ka mid ah ayaa fursadahaas heli doona, isla xilligan waxaan idin ballan qaadayaa in 2da arday ee kaalimaha ugu horeeya ka galay dufcadihiinna in aanu siineyno deeqo waxbarasho oo muhim ah’ ayuu yiri wasiir Jaabiri

Jaamacadda caalamiga ee Horseed ayaa ka mid ah Jaamacaha ugu horreeya dalka marka laga hadlayo dhanka waxbarashada, waxaana sanad kasta ka aflaxda kumanaan ardey oo intooda badan maanta udub dhexaad u ah goobaha shaqada sida xarrumaha dowladda, hey’adaha caalamiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

WD/  Xasan Mustaf Isaaq (Xasan Top)

Halkan ka Daawo Sawirrada Xafladda:

- Advertisement -

Read more

Local News