Jowhar (Caasimada Online) –Â War goor dhow naga soo gaaray magaalada Jowhar ayaa sheegaya in illaa 13 Wasiiro oo isugu jira Wasiir iyo Wasiir kuxigeeno ay goor dhow iska casileen xilkooda
Arrintan ayaa qeyb ka ah ololaha lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble oo mooshin ka dhan uu ka socdo xarunta Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.
Ilaa 13 wasiir iyo wasiir ku xigeen oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa la sheegay inay mar qura ku dhawaaqeen is-casilaadooda, taasoo qeyb ka ah ololaha looga horjeedo maamulka Hirshabeelle, waxayna ku biireen mooshinka laga wado madaxweynaha Hirshabeelle.
Shir jaraa’id oo Wasiirada goor dhow ku qabteen Hotel ku yaalla magaalada Jowhar ayaa sheegay inay isku casileen waxqabad la’aan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo inuu ka gaabiyay howlihii loo igmaday.
Qaar ka mid ah Wasiirada is casilay ayaa ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa ku biiray ololaha ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle oo saaka laga diyaariyay Mooshin xil ka qaadis ah.
Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa isku urursanaya sidii ay mooshinkan uga furi lahaayeen Baarlamaanka maamulka oo lagu wado inuu fadhi ku yeesho magaalada Jowhar.