Wararkii ugu dambeeyey ee mooshinka Cosoble iyo arrin cusub oo kusoo korortay

Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin ay Xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabelle ka diyaarinayaan Hogaamiyaha maamulka Cali C/llaahi Cosoble.

Mooshinka oo diyaarintiisa uu soo idlaaday ayaa waxaa la doonayaa in xilka looga qaado Hogaamiyaha oo saaxiib u noqday shaqo xumi is biirsatay.

Xildhibaanada Mooshin ku howlan ayaa la sheegayaa inay gaarayaan ilaa 48 Xildhibaan oo intooda badan ay saxiixeen Mooshinka.

Mooshinkan ayaa waxaa ku saxiixnaa illaa 42 Xildhibaan oo ay ka mid yihiin 12 Wasiir oo maanta kaga dhawaaqay magaalada Jowhar inay is casileen.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Marwo Canab Axmed Ciise ayaa ka guddoontay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka mooshin xil ka qaadis ah oo ay ka keeneen Hogaamiyaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Xildhibaanada ayaa Hogaamiyaha maamulka Cali C/llaahi Cosoble u cuskanaaya qodobo dhowr ah, waxaana xusid mudan in lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka, isla markaana uusan la tashan dhinacyada ay shaqada kala dhexeyso.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa Hogaamiye Cosoble ku eedeeyay in labadii bilood ee la soo dhaafay uusan tagin magaalada Jowhar, isagoo shaqada ku dhameystay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Mooshinka ayaa daba socda Mooshin dhawaan laga keenay Hogaamiyaha balse markii danbe xal laga gaaray.