Garowe (Caasimada Online) – Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeeysay, waxaana goordhow bilaabaneysa munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed,wasiiro, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku sugan hoolka munaasabadda ka dhaceyso.
Madaxweynayaasha Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo madaxweynihii hore ee Puntland C/Welli Gaas ayaa sidoo kale ku sugan goobta xafladda ka dhaceyso.
Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland ayaa la sugayaa inay tagaan goobta kadibna waxaa bilaabaneyso khudbadaha ay jeedinayaan madaxda kala duwan ee kusugan magaalada Garowe.
Madax ka socota caalamka ayaa sidoo kale ku sugan madasha xafladda Caleemo saarka ay ka dhaceyso.
La soco soco caleemo saarka madaxweynaha Puntland

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

