31.9 C
Mogadishu
Friday, April 24, 2026

Xog: Somalia iyo Kenya oo heshiis muhiim ah ku kala saxiixanaya Mandheera

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay ku yeelan doonaan Magaalada Nairobi kulan balaaran oo ah shirka labaad ee Guddiga farsamo ee Iskaashiga Labada dal kaas oo ay hore ugu yeesheen magaalada Nairobi kulankoodii ugu horeeyey  30 -31 bishii July 2015.

Kulankaas ayaa lagu heshiiyey in labada dal ay yeeshaan iskaashi balaaran ee dhinaca Amaanka, ladagaalanka Argagixisada, dhaqaalaha , Siyaasada iyo isdhexgalka labada shacab ee Somaaliya iyo Kenya

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay saxiixdeen 6 Sept 2005 heshiiska Iskaashiga lada dal oo lagu asaasaasey guddigan labada dal ee iminka  ku shiraya Nairobi.

Shirkan ayaa waxaa la filayaa in ka soo baxaan qodobo la xiriira dhinaca isku socda labada dalka, iskaashi dhinaca ammaanka xuduuda labada dal qiyo sidoo kale arrinta kale oo ay sheegeen Golaha wasiirada in ay Kenya kala hadli doonaan Arrimaha Shirkada Hormuud oo dhowaan laga gudbey goobo isgaarsiin oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen Ciidamada dalka Kenya.

Caasimada Online ayaa ogaatey in Wasiiradda Arrimaha Kenya Amb, Monic Juma iyo Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ay  ku saxiixi doonaan wadashaqeyn faahfaahsan oo ay yeeshaan labada dalka Magaalada Mandheera ee dalka Kenya Maalinimada Talaadada ah.

Ka sokow iskaashiga laba dal iyo in Kenya ay kamid tahay dalalka ay soomaaliya ka joogaan ciidama nabad ilaalinta haddana waxaa jirta in maxkadama cadaalada Adduunka uu horyaala kiiska dacwad badeedka Soomaaliya oo ay labada dal ku xalisan waayeen is afgarad iyo wadahadal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News