Sawiro: Mareykanka oo DF ku wareejiyey gaadiid dagaal

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika o loo yaqaan (AFRCOM) ayaa Maanta waxaa Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku wareejiyay Gaadiid dagaal oo ka kooban noocyada kala duwan kadib munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa gawaaridaas kala wareegay taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa, waxaana munaasadda sidoo kale goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan AFRICOM iyo xogga dalka.

AFRCOM  ayaa sheegtay in gawaarida dagaalka ee lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya loogu talagalay ciidamada kumaandooska DANAB oo ay tababartay dowladda Mareykanka si ay usii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirto ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

General Odawaa oo hadal ka jeediyey munaasadda gawaarida lagula wareegayey ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey gawaarida ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya,

Taliyaha ayaa saraakiisha Mareykanka ka socday u ballan qaaday in ciidamada DANAB  ay gawaaridaan u isticmaali doonaan sidii loogu tala galay

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal adag kula jiro kooxda Al-Shabaab .