Sawiro: Rooble oo booqasho ku tegay xerada ciidamada Mareykanka ee Balidoogle

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow booqasho ku gaaray xerada ciidanka Mareykanka ee ku taalla deegaanka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Rooble oo ay wehlinayaan wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo saraakiil ciidan ayaa u kuur galaya howl-gallada ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka ee saldhigoodu yahay halkaasi.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay xerada waxa uu la kulmo doonaa saraakiisha ciidanka Mareykanka ee ku sugan halkaasi iyo kuwa Danab, isaga oo kala hadli doono dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu qiimeyn doonaa Rooble xerada Balidoogle oo tababaro gaar ah lagu siiyo ciidamada kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha’ahaatee booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dowladda Mareykanka ay qorsheyneyso in dhowaan ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaasi horey ugu dhowaaqay madaxweynaha laga guuleystay ee Donald Trump.