Yaxye Maxamed oo isagoo kubad ciyaaraya geeriyooday

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe gudaha magaaladaasi uu ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah, xilli uu ciyaarayey kubad, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaxye Maxamed, waxaana da’diisa ay aheyd 14 sano jir, sida ay sheegeen ehelladiisa oo meydka ka qaaday halkaasi.

Wararka ayaa sheegay in uu marxuum Yaxye Maxamed u dhintay wadno xanuun deg deg ah oo ku soo booday, intii ay socotay ciyaarta kubadda cagta ah.

Sidoo kale dhalinyarada ay banooniga wada ciyaarayeen Yaxye ayaa aad uga naxay geerida deg-dega ah ee ku timid marxuumka.

Dhacdadan ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyada oo isla saaka marxuumka lagu aasay Qabuuro ku yaalla magaaladaasi.