Xog: Xubno xulufo la ah madaxweyne Farmaajo oo heshiis ku galay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegeysa in kulamo si hoose loo yeeshay oo u dhaxeeyay mucaaradka iyo xubno ku jira dowladda Soomaaliya lagu gaaray heshiiyo hoose oo muhiim ah.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ay heshiis la galeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Heshiiskan oo ah mid is-afgarad, oo aan qorneyn ay dhinacyadu isku raaceen in dalka aysan ka qabsoomin doorasho aan heshiis lagu wada aheyn, taas oo ka hor imaneysay jadwalka cusub ee ay soo saareen guddiga lagu muransan yahay ee doorashada Soomaaliya.

Heshiiskaan oo dhaqangalkiisa billaaban doono maalmo kadib ayaa sidoo kale waxaa wax ka og Madaxweynayaasii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Marka laga soo kala laabto Shirka Garowe ee Puntland oo ay ka qeyb galeen madaxda dowladda Soomaaliya, madaxda Mucaaradka iyo kuwa maamul gobaleedyada dalka ayaa la filayaa in ay isbadasho guud ahaan siyaasadda Soomaaliya oo hada cakiran. 

Si kastaba, mucaaradka qaar ayaa weli qaba shaki ah in Mursan iyo Qoor Qoor ay yihiin rag aan la isku haleyn karin, islamarkaana aysan laheyn karti ay uga madax-banaanaadaan Villa Somalia, ayna u badan tahay in marka ay soo laabteen ay sidooda ku laaban doonaan.