DF oo soo saartay amar ka dhan ah madaxdii hore ee dalka iyo musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku wajahan musharaxiinta mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka kadib markii la joojiyay in hub lala galo gudaha garoonka diyaaradaha.

Amarkaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inaan hub lala gali karin gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu shaaciyay in go’aankan uusan saameyn doonin madaxda sarre ee dalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Go’aankan ayaa waxa uu u muuqda mid ka dhan ah musharaxiinta mucaaridka oo iyagu marka ay ka duuliyaan garoonka la gala ilaalo hubeysan, kuwaasi oo qeyb weyn ka qaata sugida amnigooda, waxeyna arinta kusoo aadeysaa xilli wali uu taagan yahay khilaafka doorashada.

Wasaaraddu marnaba si guud uma mamnuucin hubka lala galayo garoonka, iyada oo go’aankan uusan hor istaageyn ilaalada hubeysan ee madaxda sarre ee dowladda la galaan gudaha garoonka.

Musharaxiinta xilka madaxtinimada iyo madaxdii horaba waxaa soo dhaweynayay ciidamo u gaar ah ama sagootin jiray markii ay ka baxayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse laga bilaabo maanta suuragal ma noqon doonto maadaama ay amar ka dhan ah soo saartay wasaaraddda Amniga.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ah kan ugu mashquulka badan dalka, iyada oo amnigiisa ay gacanta ku hayaan ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan kuw dowladda iyo AMISOM.

Go’aankan ayaa uga sii dari karta xiisada xoogan ee ka dhex taagan madaxda dowladda iyo mucaaridka, iyada oo kusoo aadeysa xili ay xaalad cakiran oo ka dhalatay hanaanka doorashada ay ka taagan tahay dalka.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay musharaxiinta mucaaridka oo hore dowlafda ugu eedeyay inay beegsi gaar ah ku hayso.