Midowga musharixiinta oo ka digay heshiisyo qarsoodi ah oo ay wadaan madaxda DF iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa qoraal adag kasoo saaray heshiisyo qarsoodi ah oo ay sheegen in wasaaradda macdanta iyo batroolka dowladda federaalka ay la galeyso shirkado, kaasi oo la xiriira sahminta shidaalka.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxay si gaar ah ugu kala direen Madaxweynaha, Guddoomiyaasha Labada Gole, Xeer Ilaaliyaha Guud, Ra’iisul Wasaaraha, Hantidhowaha Guud, Xeer Ilaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboeledyada.

Golaha ayaa sheegay inay heleen xogo la xiriira heshiisyo ay wasaarada macdanta oo wakiil ka ah dowladda federaalku ay la galeyso shirkado laga leeyahay dalka dibediisa, kuwaasi oo sameynaya sahminta shidaalka, baaris iyo qodis wada socda, midaas oo halis weyn ku ah masiirka iyo umadda Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigeen.

“Dowladda Soomaaliya & dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waxay 5-tii Bishii June ee sanadkii 2018-kii  magaalada Baydhabo ku saxiixdeen heshiiskii wadaaga Kheyraadka Dabiigi ah, kaas oo dhigayay in heshiis walba oo la xiriira shidaal qodis, sahmin ama baaris uu noqdo mid daah furan lga dooday, la qiimeeyay, laguna heshiiyay ugu dambeyna lagu meel mariyay Golaha Shacbaka ka hor inta aan heshiiska la saxiixin, markaas heshiisyada qarsoodiga ah ee wasaarada macdanta iyo batroolku wuxuu ka hor imanaya xeerarka,” ayaa lagu yiri qoraalka Musharaxiinta.

Waxay si adag uga digeen in wasaaradda macdanta iyo batroolka dowladda federalku ay saxiixdo heshiisyadaas qarsoodiga ah, xili uu sii dhamaanayo muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka Midowga Musharaxiinta ayaa lagu xusay magacyada shirkadaha ay dowladda la galyso heshiisyadaas, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Liberty iyo Coastline.

Hoos ka aqriso qoraalka Musharaxiinta oo dhameystiran