DF oo is-hortaagtay shir ay Xamar ku yeelan lahaayeen odayaasha beelaha Hawiye

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa iney is hortaagtay shir weyn oo ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen maanta odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye.

Dadka u xil saarnaa qaban qaabada shirkaan ayaa warbaahinta u sheegay in hay’adaha dowladda la wadaageen qorshaha shirkooda, balse lagu gacan seyray, loona diiday iney shir ku qabsadaan mid ka mid ah hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sida ilo madax banaan ay Caasimada Online u sheegeen, inka badan 250 xubnood ayaa lagu casuumay shirkaan, waxaana ujeedkiisu ahaa in odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye uga hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo sida xal lagu heli karo.

Inkasta oo ay jirto diidmada dowladda, hadana odayaasha dhaqanka ayaa weli waxey ku adkeysanayaan iney qabsadaan shirka iyagoo u arka xuquuq dastuuri ah oo ay leeyahiin, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli wasaaradda Amniga ay mamnuucday in qof aan madaxda sare ee dowladda aheyn aysan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho la gali karin hub.

Dowladda Soomaaliya ayaa sii kordhineysa cadaadiska ay saareyso dhammaan dhinacyada ay u aragto inaysan ku aragti aheyn, taasi oo dadka qaar ay ku macneeyey billowda nidaamka kali-talisnimo.