Qoor Qoor oo hal arrin ka dalbaday musharraxiinta

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayey Garoowe ayaa soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dadaallada uu wado ee doorashooyinka.

Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in rajada ay ka qabaan doorasho nabad ah oo dalka ka dhacda ay tahay mid aad u sarreysa, islamarkaana ay ku dadaalayaan.

Sidoo kale wuuu intaasi ku sii daray in loo baahan yahay isku dulqaadasho iyo in la sameeyo tanaasul, si looga gudbo marxaladda dag ee lagu jiro.

“Waqtigaan Doorashada oo waliba ay jirto kala duwanaashiyo yar oo heshiiskii doorashada ka dhex jira, fariimaha qaarkood aniga oo hubo in la dedaalay haddana waxa ay rabaan in dib loo dhigo oo fariimaha baxaya ay noqdaan kuwo dooroshada, isu dul qaadashada & isu tanaasulkeeda inta badan ka hadlaya,” ayuu yiri MW Qoor Qoor.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka dalbaday dhinacyada dhaliilsan hannaaka doorashada, gaar ahaan musharraxiinta mucaaradka inay dib u dhigaan farriimaha qaar ee is-dhaliilida, si looga gudbo caqabada jirta.

“Saaxiibada mararka qaar dhaliilaha waday waxa ay ula jeedeen in wax la qabto oo marnaba ulama jeedin wax dib u dhacaan, balse waxaa loo baahan yahan in dib loo dhigo Fariimaha qaar ee is dhaliilidda ah,” ayuu sii raaciyey madaxweyne Qoor-Qoor.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo inta badan mucaaradka iyo dowladda ay dhiliilo kala duwan isu mariyeen warbaahinta, waxaana weli halkiisii ah khilaafka doorashada.