Xog: Cumar Filish oo xilka ka qaaday taliska ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar kuna beddelay xigtadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa xilka ka qaaday taliyaha ciidanka Ilaalinta degaanka Xamar iyo ku xigeenkiisa, waxa uuna xilalkaas mid kamid ah u dhiibay nin ay yihiin qaraabo dhow.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Guddoomiye Cumar Filish uu xilka ka qaaday  Janaraal Cabdinaasir Indhaqarshe oo ah taliyaha ciidanka ilaalinta degaanka ee Xamar iyo ku xigeenkiisa Kornee Axmed Xuseen Mahdi, oo labadooduba muddo 30 sano ka tirsan ciidankaan.

Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa labada masuul uu xilka ka qaaday mid ka mid ah ku badalay nin ay qaraabo dhow yihiin oo lagu magcaabo Maxamuud Caraale Macow, kaasi oo ka awood badan taliyaha cusub oo asna lagu magacaabo  Maxamed Carabow Cali waxaana xusid mudan labada masuul mid kamid ah isla beeshiisa lagu badalay halka kan kalane lagu badalay beel kale oo ah beesha Cumar Filish.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu kaliya leeyahay soo jeedin balse uu xilka ka qaadista sameen karo Madaxweynaha. Iyadoo aan la marin wadadaas ayaa la sheegay inuu xilka uga qaaday uguna magacaabay duqa magaalada oo kaliya, maadaama duqa magaalada uu go’aankaan gaari karo.

Arrintaan ayaa muujineysa musuq iyo eex xoog leh oo gobalka ka jirta, waxaana socda abaabul ay wadaan xubno kamid ah dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah dhaqanka Soomaaliyeed oo arrintaan looga soo horjeedo.