Masar iyo Sudan oo heshiis galay xilli ay xiisadda Ethiopia kala dhaxeyso ka dartay

Khartoum (Caasimada Online) – Dalalka Sudan iyo Masar ayaa gaaray heshiis cusub, kaasi oo lagu xoojinayo iskaashi labada dhinac dhex-mara, gaar ahaan nabad galyada labada xukuumadood iyo gobolka guud ahaan.

Heshiiskan ayaa imanaya xili mudooyinkii dambe xiisad xoogan labada dal kala dhaxeysa Itoobiya, oo iyadu biyo xireen balaadhan ka sameysay wabiga Nile.

Labada dal ayaa iyagu u arka in mashruuca Itoobiya ee biyo xireenkaasi uu saameyn ku yeelanayo biyaha ay ka helaan wabiga, kaasi oo hoos uga dhacaya xadiga ay markii hore ka heli jireen.

Heshiiskaan ayaa sidoo kale cadaadis hor leh saaraya dowladda Itoobiya, oo iyadu ka madax adeygtay inay wada-hadal geliso mashruuceeda biyo-xireenka oo tijaabadiisi hore bilaabay.

Lama oga qaabka uu xukuumadda Addis Ababa ka yeeli doono heshiiskan iyo kaalinta uu ku yeelan doono muranka biyo-xireenka oo labada dowladood uu xiligan kala dhaxeeyo Itoobiya.

Sudan ayaa Khamiistii sheegtay inay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dhammaan dhulka Sudan ee ku yaalla xuduudda, kaasi oo ay deganaayeen beeraley Ethiopian ah, kadib toddobaadyo isku dhacyo ah.

Xiisaddan ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii dagaal uu ka qarxay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo horseeday in inka badan 50,000 oo qof oo Tigray ah ay usoo qaxaan Sudan.

Sabtidii, Sudan ayaa sheegtay inay qabsatay inta badan dhulkan, hase yeeshee aysan si buuxda gacanta ugu wada dhigin. Si kastaba, Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibedda Sudan, Omar Gamareldin ayaa shir jaraa’id ku sheegay Khamiistii inay hadda si buuxda u qabsadeen dhulka.

Wada-hadallo u dhaxeeyey labada dal ayaa burburay toddobaadkii tegay.
Saraakiisha Sudan ayaa sheegay in Ethiopia aysan si rasmi ah muran uga keenin dhulkan, hase yeeshee hadallada saraakiisha Addis Ababa ayaa taas burinaya.