Maxaa ka jira arrinta Axmed Madobe uu shaaciyey ee la xiriirta hubka DF Somalia?

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda dhexe si dadban ugu eedeeyay iney hub faraha ka saartay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo khilaafkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay dowladda dhexe dib u holaciyay ayaa sheegay iney hadda ka hor rasaas ay Al-Shabaab ka qabsadeen baaris ku sameeyeen isla markaana ay noqotay mid ay leedahay dowladda dhexe.

“Dagaal ayaan kula jirnay Al-Shabaab, waxaa ka go’ay rasaasta qoriga BKM, maalin gudaheed ayey kula yimaadeen, rasaastii baan qaadnay, waxey noqotay rasaastii ay dowladda lasoo dagtay, ileen rasaasta waa la aqriyaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Garowe.

Axmed Madoobe wuxuu si adag u sheegay ineysan jirin amni qaran oo laga wada hadlo, taas badalkeedana ay cadaw isku noqdeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxaana xusid mudan in Jubbaland iyo dowladda dhexe ay wali isku hayaan arrinta gobolka Gedo.

Isagoo ka hadlayay heshiisyadii la gaaray wuxuu carabka ku dhuftay inaan waxba laga hirgalin heshiiskii amniga qaranka ee la galay.

Axmed Madoobe wuxuu ku baaqay in marka hore laga heshiiyo arrimaha siyaasadeed ka hor inta aan laga hadlin arrimaha amniga qaranka.